WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Fardaha

Cali Jaamac Haabiil, (HA)


PART III

Ducaale Suldaan Nuur (Ducaale Aftaag) oo Berbera ku sugan ayay meel isugu yimaaddeen dhawr nin oo gabyaa ah oo uu ka mid yahay inankiisii Nuur Dhegacun iyo labadii abwaan ee la kala odhan jirey Cali Jaamac Haabiil iyo Cabdi Fadal. Wuxuu Ducaale yidhi nimanyohow caawa waan idin eegayaaye bal nin waloowba faraskaaga ammaan.
Waxaa ugu horreeyey Nuur Dhegacun, Ka dibna waxa ku xigsadey Cabdi Fadal.
Wuxu yidhi Cali Jaamac Haabiil Alla ha u naxariistee;

  Imisaan ku dhaqaayey
Oo ku dhawrdhawranayey
Imisaan dhayal fuuliyo
Kaaga dhaartay cayaar
Imisaan dharab meelleh
Dhoobbi kuuma dirayne
Sida Dhoorraha wiilka
Aqalkoo dhan la gooyey
Dhinacayga ku seexshey

Imisaan ku dhaqaayeyoo
Wan weynoo dhagaxoobey
Dhug intaan kaga siiyey
Dhecaankii laga shiilay
Dhawr Galaan kugu xaabshoo
Dacarti kaaga dhammeeyey

Dhuda Qayli la moodyoow
Ma haddaad kibir dhaaftoo
Dharaarna soo hoyan weydoo
Qoofalkii dhag ka siisay

Haddii aan col dhaqaajin
haddii aan bir la dhaabay
Dhool intaan ku qabto
Afka kuugu dhammaynoo
Dhiig yaroo xabagoobiyo
Dhareer kaa tifiqlayn

Haddii aanan qara dheegan
Dhudihii an kala jeexay
Dhexda kuugu jirjiirin

Adigoo yar dhasiigeyoo
Ila dhiidhiyi waayeyoo
Orodkii dhabqinaaya
Haddii aanan dhenged qaadhoo
Dhowr maalmood dhulka tiil
Dhaw intaan kugu siiyo
Dhuuxa kaaga aroorin

Dhanbacaadka rogaalkana
Fulaa dhawrsada miihiye
Dhabo geelu buteeyeyoo
Dheelmadoo ka carraabay
Isasii dhifadkaaga
Haddaan Siig dhitinaaya
Lagu moodin dhurwaa
Allaylee dhalad miihi
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com