WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Daarod-ku-Xaar

Maxamed Kaahin Feedhoole, (HY)


Gabaygani wuxu ka mid yahay silsiladda la magac baxday "Daarood ku Xaar".
Wuxu yidhi Maxamed Alla naxariistii janno ha siiyee;
  Gugoo hooray geeloo dhaloo gubadadaa jooga
Degmada Gundheereiyo fadhida gumucyadii Heeryo
Iyadoo gudguda roob, halkii godanba uu buuxshay

Gidiigeedba Habar Yoonisoo gaafka wada joogta
Guutooyin idil beeshayada galiye Daaroode
Ku ga'leedhe siday doonayaan, guri dagoodiiye

Goodeey raggii maali jiray gurayey dhowr qaadye
Waa niman ilaahay ku gubay gaajo iyo oone
Iyadoo Guhaaday, afkii lagu gujaynaayo

Gabagabaha meeshii la dhigay la isku soo gaadhye
Gadhka layska saar keenadaan lala gabboonayne
Gildhigaan intii loo rakibay gaag yar laga reebye

Goonyaha ka kace waa qabiil go'aya maantaase
Gal xareeda dhiigii la mood galay jidhaamaaye
Geerida xaq weeye ninkii go'ayna loo aarye

Habar Yoonis geeleedu noqoy garay dhunkaaleede
Waatii Biciidyahan ku go'ay Gumare maantiiye
Car ha galo Galaadi iyo Hawd kor uga sii guurye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com