WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Safar

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadhere" (HJ)

Safartay ee haddaad yuusufow Raratay saabaanka
Salaama Alla yeelyoow haddaad suunta mari soonto
Sanaag waa habheeba ee haddad Saaxil nabad gaadho

Marka hore Salaan iyo Qaxwaa lagugu sooryeyne
Marka xiga su'aal bay ku odhan yaad la socotaaye
Habeenkaa Senteri Gaadhahoon seexan baad noqonne

Muunida salaaddii hadii aad adhiga soo saarto
Subaxdaa Xadhkaaluhu hadduu Soofka kula iibsho
Saami bay isaga leeyihiin Saalax-Weetada'e

Iyagoo wax saaray bay ku odhan waanu soconayne
Idigay sed kaa ridi intay Sicirka dhaafshaane
Waa wada sagsaagiin cola ee yay ku sirin duulku

Haddaad aragto Toban siibane oo suuqa ku ag taagan
waa saaruqiinta'ee waxaad sidato meel geyso
Sayaxaadda dheerbaad ku tegi geedka saarka lehe

Sidriguu Qaxwuhu kaa xidhaa saakin haw noqonnin
Sigaaryacab ha noqon buuri bay soor ka deyayeene
Subaglaha Kidaarka ah ha cunin saanjadna ha quudan

Saanbuusayaal iyo Mucbeel siifadle ha iibsan
Baashaha sagaalaha wata baa sababa xooliiye
Adigaan waxbaba siisan baad saabir noqotaaye

saaciidaduu kaa baxshaa sinaba haw eegin
Sacab baad ku maqal xaafadaha saan la tumayaaye
Waa sahan magaalo oo Kharaaf laysku sugayaaye

Sino iyo Balwaa lagu hayaa surin ka weydaaro
Sideedaa iska raw meesha waw saymo jaariyahe
waanada sokeeyuhu ku yidhi sadar ha moogaannin

Sufihina ha noqon wiil yarbaa hadalku seegaaye
Waxba yay safaad kaaga tegin saaxi adigoo ah
Hadii kale sidaa doonto yeel seegtay marinkiiye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com