SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Sadqo Maleh

Cabdi Gahayr, (Ciidagale)


Gabaygan soo dhamaystir.
Abwaanku gabaygan isaga ayaa isku sifaynaya sida uu dagaalka ku yahay maalinta ay qadhaadhahay. Wuxu yidhi Cabdi Alla ha u naxariistee;

Saynlaw libaaxuba haduu sebeno gaajoodo
Saryankiyo haduu aarankuu saydhi jiray waayo
Seeriga garduur iyo haduu seexdo dhireheeda

Sanateyn hadii uu hilbaha sooman ka ahaado
Sayladaha xoolaha haduu saacad ku ag meero
Ma sanqadhe´e wuu gaatamaa sixir la moodaaye

Afartii saxnaa iyo haduu micida soofeeyo
Sarsar wuu banayn jiray halkuu saaro jeenyaha e
Saqda dhexe haduu reer miruu siigo kaga duusho

Sadqo male habeenkaa naftuu sare u qaadaaye
Anna waxan sarreeyaba hadaan samir lahaan waayo
Dhaliyaro sideetana hadaan saanada hor qaado

Anna waxan sarreeyaba hadaan samir lahaan waayo
Dhaliyaro sideetana hadaan saanada hor qaado
Sadqo male habeenkaa naftaan soodhka geliyaaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com