SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Cabdi Gahayr

Geel niman Habar Yoonis lahaayeen oo Dar-raacay ayaa Ogaadeen galay oo maroorsaday. Ciidagale ayaa geelii ka daba tegey oo dhiciyey nimankii geela qaadayna wax firxada iyo wax god gala ka yeelay. Cabdi Gahayr arrintaasuu ka gabyey, Xaye Galaydhna geeraar buu ka tirshey goobtaa iyada ah. Wuxu yidhi Cabdi Gahaydh;

Daaroodka qaar baa midgaha lagu masaalaaye
Moofada Kidaarkana ragbaa maalintii cuna'e
Masaakiinta waa lagu og yahay joogta meelaha'e

Maraykaanna laga sheeg intaa madaxa goyseene
Malyan baw sita'e geelayaga lagama maarmeene
Kol hadduu Madheedhkii Wareeg Mulay ku daaqaayo

Kol hadduu Masaarre iyo DigWeyn maaxda shubanaayo
Milmil iyo Bullaalena hadduu maansha ku arooro
Nin martiya ha joogtee haddaan lagu mannaagaynin

Kol haddaan Mataan madi ka dhigay muranku waa ceebe
Afartii Magaadleba haddaan maanta ka ahaaday
Mudh haddaan ka soo idhi Isaaq hay makeekiyo'e
Mahadaale caaway hurdadu ii macaan tahaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com