Cabdi Gahayr

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
  Cabdi Gahayr
  Gabaygan waxaa tiriyey Cabdi warsame (Cabdi gahayr) isagoo ka hadlaaya sidii dagaalkii qaydar caliyaale loogaga guulaystay ogaadeen iyo sidii loogu aaray ina guure oo dagaalka hortii gaadmo lagu dilay, sidaad gabaygaba ka heli doonto wuxuu tilmaamayaa in niman ogaadeeni markay xabada xanuunkeedii arkeen cabsi daraadeed ay sidii maqal dambar ka dheregtay daabteen, waana kan gabaygii.

Aroor iyo afmeer laga helo iyo alambe mooyaane
Iyadoo aroortii xeryaha umal ka reemaysa
Abidkeedba iidoo lagalay aadmi kama hoyn

Waatay ateerada qoteen sida arnaa'uud
Haddii shalay ilmaadeeraday laga ilroonaado
Oon ururta jiisaw la jarin ma istareexeer

Anna aynigaan ahay hurdada kuma asqoobeen
England taarka looguma direen adhaxda jiilaal
Quruumuhu ancaamkay baxsheen lagama eegteen

Ragii lagu abaadee timaha ubax la moodaayey
Ee sida abeeriyada maliga lagu unuungooyey
Waa haybe uunsigu ninkuu nooga soo uraye

Ugaadhuna ma jiidheen xaskiyo ooduhuu maraye
Ma naftuu la aaminay dharkayn orodku waa ceebe
Reerkiinu ina foolayow horeba noo eedye

Adeerkaana waa tii sidii awr la gawracaye
Ilmo weyn wadaadkii biyaha nagu ilaaqaayey
Saw axanka reer fiqi cigaal awrta kuma qaadan

Saw ooryahoodii baroor kuma ildheeroobin
Haddaanaan ayaan kulusha dhalan amase eed baasta
Awaare iyo Darroor geelayagu kuma ekaadeen

Ul madheedha kuma foofiyeen inanka raacaa
Eeridhabanka dararaa hadhkii sooma ololeen
Iyadoo aleema hel digweyn kuma aroorteen

Onkodkiyo hilaacyada garduur oog ma mirateen
Gobanimadu waa shay asliya iibna lagu waaye
Ma la eeday ina guure waa ubaxii shaalkiiye

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com