SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Guubaabo
Cabdi Gahayr (Ciidagale)


Gabaygaa wuxu Cabdi tiriyey mar loo soo sheegay in niman Ciidagale ahi dagaal si laxaadle ugu jabiyeen Ogaadeen. Dagaalkaas waxa lagu dilay in dagaalada ku baŽnaa oo Ogaadeen ahaa oo la odhan jiray Carab. Wuxu yidhi
Cabdi-gahayr (Alla ha u naxariistee):

Warka xalay curaagtii tolkay ceelka laga keenay
Ee sida cilmiga eebahay lagu cibaadaysto
Aniguba ciyaar baan is rogay coomirkaan ahaye

Ma ku caafimaadeen gob bay caadadeed tahaye?
Sida caawa habar yoonis tahay ciida-gale diidye
Caqli male afdiinluu haduu Caara-dhuub helo é

Mar hadii cidhbaha loo rakibo curado naafeeye
Caruur looma dhiibine rijaal caarufaa helaye
Ma cadahay Cismaan-garaw halkuu carab ka liishaamay.


 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com