SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Dhamal Aadan

Cabdi Gahayr, (Idagale)


Gabaygan wuxu Cabdi u tiriyey nin gabyaa ahaa oo Cabdi-dheere oo lagu naanaysi jirey ”Cayuun”.
Cayuun oo isku tiirinaya Saldanada Ciidagale ayaa marshay gabay ay ku jirtey.

” Intaan nimanka reer Dhamal u jiro dhaabanaan ahaye”.

Cabdi Gahayr Faanka ninkaas nuqsaanbuu ka soo qaaday waayo Cabdi Gahayr baa qabiilo ahaan uga dhawaa Saldanada ninkaas xigsanaya boqortooyada. Wuxu yidhi Cabdi Gahayr Alla ha u naxariistee;
  Dhunkaalbaa ku taal geelayaga Dhiito loo raraye
Dhayal looma weeraro haduu dhaafo Bulunbuule
Dhexer iyo Idiin baa ku jiroo dhiba xiniinyaaye

Hadaan Dhaayineey laga baqayn Dhugad ma daayeene
Waxa lagaga dhawrsaday halkaan dhigay suldaankiiye
Dhulmadaa la moodaa lafii beeshii Dhagaxbuure

Markan dhoor lahaa iyo hadoon dhaban cirooloobay
Intaasaan sidii aarka dhaca dhuun galaa xigaye
Dhabayacana way nagu taqaan dhiidantii bariye

Dhilo waxay ku faantaa xalay dhawr nin ii timiye
Naaguhuba waa la dhabay ayey dhalasho moodaane
Dhasha yurubku wuu jecelyohoo dhuunigaw diraye

Dhirbaaxaa ku raacdeen kuwaa dhinaca saarteene
Dhamal aadan adigay sidii dhaqan ku sheegtaane
Wax maad dhimine reerahayagaw dhaga nuglaateene

Wixiinaa dhiraa waabayoow haygu dheelina´e
Dhulka yaan lagaa qodin sii dhagaxi buureede
Dhamac yaan laguu shidin adoon dhimanna noolayne

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com