SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  IndhaBadane

Cabdi Gahayr, (Cidagale)

Gabaygan wuxu Cabdi tiriyey markii la dhacay geelii Indha-badane

Dhiilaabayey xalay miyaan dhagida soobooday
Ma dhibayti dhawrbaan hurdada dhincyadaw diiday.
Gogoshii la iidhigay miyaan dhan isku waydaarshay
Sidii qalanjo dhaawaca miyaan dhiraha laynaayey.
Sidii naag ninkeedii dhintoo reer ka dhaxal meertay
Ma dhulkaan shanbaac qoday cabdow dhalasho waa yaabe
Ma dhagxumada kiinkuna maqlaa dhibaya jiidhkayga
Dhabayiciyo reer dalal miyaa dhaanto laga keenay.
Ma dhawaaqa cali soo diraa waliba dheeraada’

Dhan uu jiraaba darood miyaa dhool kuwada faanay.
Ma ragaanu dhixirka u xidhnaa dhudi ku geeraaray
Dhabbaduu ka jeexaa farduhu dhire ka guuraane.
Dharcastii magaaliyo dilaal dhuuntay baa wadaye
Waataynu dhaamaha lahayn labada dhoomoode.
Lama dhaco anga beeshayada sida dhukaameede

Ama geelu saymuu dhashay ee dhaqashadii daaya
Ama dhiciya sida reer tolkay dhudi mameerteene.
Ama dhoofa wataad sidii dhedo nuglaydeene.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com