SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Gabayo Qubane ah

Cabdi Gahayr, (Ciidagale)


Cabdi-Gahayr oo Ammaanaya gabdhaha Sacad Muuse isagoo ku dhaliilaya wuxuu ugu yeedhay "Demmenaanta" hablaha Isaaq bari

Haduu dirirka cawleed duŽuu dunada maasheeyo
Dixidiyo dareemada haduu daadku mulacleeyo
Dabku kama bakhtiyo yuusufoow dumarka reer Nuuxe
Duntoodaa wanaagsane hablaha lagama doorteene
Demanaanta naagaha baraan kaaga digayaaye
Doc kalay ku waynaatay taan dayrta guur sadaye
Nin dameer xun iibsaday marbuu dib u xaraashaaye
Waxba yaan dagooy inan madaw diib laŽ ii marine
Waxba yaan anoo dayrcad wada lay dabaal degine
Kol haddaan dacfaal iga galay dacdi mooyaane
Miyaan daganayaa saw gadhkii daanka ima buuxin


Waxa gabaygaas ka xanaaqay nin la odhan jiray Ina Baar. Ina Baar, sida la sheegay, wuxu ahaa nin dahable ah oo aad u xarago badan.
Ina Baar oo ahaa nin dhalliin yar oo xarago badan wuxuu sidan jirey ul lacag ka samaysan.
Cabdi Gahayr iyo Ina Baar waxaa dhexmaray Silsilad gabayo ah oo aannaan wada hayn. Waxa ka mid ahaa tixahaas gabaygan Cabdi Ku sifaynayo Ina Baar:
Wuxu yidhi Cabdi Gahaydh;

Laftiisoon adkaan wiil haduu rag isku loohlooho
Haduu caana geel waa lurmiye laaqid ku casheeyo
Laqantooyo wuu eedi jiray loofar baaluqaye

Layliguba geediga horuu laban lagdoodaaye
Kolse hadii hayaan loo lalabo leexay dabadeede
Laf-dhan jananka diidaa xabsiguu liinta ku cabaaye
Rabbaw yaa dantaa luud yidhaa loox yaraa tahaye.


Ina Baar cabdi oo ka jawaabay Gabaygaas wuxu yidhi:

Nin labaatan jiraybaan ahoon lixi u dheerayne
Laantaan qabsado waygu daw inan lafeeyaa
Ma ninkaagan liicliicayaa lib iga hoynaaya
Lufanbaa ka hadha dawliskii ceelka laasimaye
Lugta faraska liishaanka saw looga lalin maayo


Gabaygii ugu danbeeyey ee uu Cabdi Ina Baar u tirsho waxa ka mid ahaa:

Magaaladan tumaal loofaraa laambadaw sida é
Ushan lacaga laaskiyo dubuhu way ku lumiyeene
Laaq-laaqsigaagaan arkaa waadse lulataaye
Hadaan kugu laxaadsado hadoo liifabaad tegiye
Lix kun iyo lix boqol iyo lixdaan laabta ku hayaaye
waar lixdanbaan jiree yaan indhaha laydhi kaa marin

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com