WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Cumar Xaaji Xuseen (Australia), "HA"

Dhaqasho waa Geel

 
Dhudaa gabay haddaan Maxamadow dhuuxa ka abbaaro
Abidkayba xarafkaan dhigaa dhaxalgal weeyaane
Anigoo dhallaanaan xafiday dhihitinkiisiiye

Caawuu gadhkaygii dhafmoo dhabannaday buuxshay
Inuu xarafku iga dheelliyaa waa dhegxumo weyne
I dhegaysta caawana tix waan dhaabadayn jiraye

Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede
Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha siima dhaafsana'e

Lo'da dhiiqda laga maalayiyo dhayda iyo xoorku
Dhudhunkay biyaha kula jirtiyo dhabarka weeyaane
Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele
Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele

Dheeraad u raaca iyo bilay dhacarsataa Hawde
Iyadoo dhinbiishii suuda iyo dhilatay maygaagga
Iyadoo dhammaan wada rintoo dhaaddan oo quruxsan

Oo farowga oofaha ku dhigay dhinacu goobaystay
Iyadoo dhawaysoo candhiyo dhays la socon weyday
Ayey jeelka kama dhawrsatee dhanaha xiistaaye
Dhabbaduu ku soo ururiyaa dhoobigii jiraye

Markay dhawr habeen soo dhaxday Dhamal timaaddaaye
Dharaar bay carrada joogsataa oy dhegadka ruugtaaye
Habeenka waxaa laga dhiijaa dhay habeed badane
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.

Dhag salaaddu goortay tidhaa bay dhacanta jiidhaaye
Dhismaha naadhka iyo wiilashay laba u dhiibaane
Goortay dhagax malkada shiishiyo dheenta lagu tiirsho
Sidii faras dhambaal culus siday kala dhaqaaqdaaye

Markay soo dhawaatay kalgacal Dhudi la yeedhaaye
Markaasay dhegaystaan kuwii ceelka loo dhigaye
Dhaqashay ugu dhacaan kaalintay Dhebi u xaadheene
Ma dhursugo irmaankoo wax badan dhanaha moogaaye

Dhaltida iyo ratiga baarqabka ah dhibidu suudhaysay
Dhaqasho waxay u keenaan qoltida dhaqayadeediiye
Heesteeda niman bow dhignaa dhooy la'aan jiraye,
Dhallinyaro hormada loo dhigay oo timaha dhoobaystay

Sida nimanka dhaantada tumay ugu dhawaaqeene
Dhufsashada hadhuub-gaalladaa la isu dhiibaaye,
Markay dheregto ayaa meel burca ah Dhool la tu'iyaaye

Sida dhaan harraad loo qabay ugu dhaqaaqeene
Markaasaa dhulkuu joogi jiray lagu dhaqaajaaye
Xeryo guulkii loo dhigay dhag uga siiyaane

Waxa dhaba habeenkaa ninkii dhama galxoodkeeda,
Dhallaanimo qodxihii kugu mudnaa kaaga soo dhaca e
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.

Waxay sii dhowaataba kolkay Idhamadii dhaafto
Halka dhuubka caws laga helay uga dhex oodaane
Iyadoy horraantii dhashoo dhiraha loo waabay

Oo aad dhogorta qaalmaha xariir dheehan ku astayso
Ayaa dhool gu'oo soo onkoday dhibic ka hooraaye
Markaasay xeryaha uga dhigaan dhinacsinkii Hawde

Dhaldhalaal magaaliyo bariis ma laha dheecaane,
Jiilaalku reeruu dhibay Dhool ku hoyataane
Markaasay karuur laga dhigtaan dhiilo baalidaye

Inkastood adduun badan dhaqdo dheemman iyo daaro
Inkastood dhar wada suufa iyo dhag iyo laas qaaddo
Dhaxal male nin Soomaaliyoon dhaqannin koorreeye

Dhabbadii carraabaha markii nabar la sii dheelmo,
Dhoorwiiloow goortuu ratigu Dheeho dhabar joogo
Dhudhunkeeda laafyaha markuu dhan ula boodaayo

Dhegta iyo tawaaddiyo xubnaha laysku wada dhaabay
Dhudda kuruska beerkiyo kelyaha dhibidu gaashaysay
Dhexda labada qaar noqotay iyo dhabarka soo xoodmay

Dhegeysigu micida meel cidla' ah dheef u rabinaayo
Dhufashada rakaadday farxadi kugu dhammaataaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

Ammaantiisa kuumaan dhammayn kumana dheeraane,
Dhaayaha geelu leeyahay haddaan dhool yar ka iftiinsho
Dhaddigiisa lama iibiyeen lamana dhiibeene

Dhool lama muquunsheen haddii dhawr lagaa xidho e
Waa dhagax nafloo heeyjaddaa dhigay Ilaaheeye
Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene

Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta Dhaameele
Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

Dhugtankiyo rasaasti madfacu dhiraha laynaayey,
Sida dhibicda shaydaanigay nagu dhawaaqaysay
Hadba dhuungalayntaan bunduqa kula dhawaanaayay

Aniguba dhexdeed waxaan ku jiray Dheeho tacabkeede
Dhoorwiil u yeedhyeedh nimaan dhaqanin waa caydhe!
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com