WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Geela(a)

Cumar Xuseen "Australi"

Gabyagan kale ee Cumar Xuseen Austeeliye uu isna ku ammaanaayo GEELA wuxuu tiriyay mar nin adeer u ahaa oo la odhan jiray Alla ha u naxariiste Cisman Cawaale oo lo' ku haystay tuulaha Xaraf ee Magaaladda Hargeysa agteeda ku yaala. In kasta oo aanu Cismaan gabay ku caayin geela, hase yeeshee, afkuun ayuu ka caayay geela. Cumar Ilaahay ha u naxariiste, isaga oo caydaa diidin geela ayuu gabaygan tiriyay.
  Odhaah gabay Cismaanow markaan u ololaynaayo
Ardaygiyo sidii macalinkoo loo akhriyay diinka
Ama araayihii INA JADEER waw u astayn jiraye
Aan idhaahdo maantana tixdaan ku intifaalooday

Meeshiyo awawyadii horiyo Aadan iyo Xaawa
Arligeena xoolahani way ka isiraayeen
Adduun lama sinoo geel horaa laysu aaminaye
Waa waxay abaarta u dhaqdeen odayadeeniye

Awaare iyo Sigodan reerahoo iniq la waydaarshay
Waa waxay sidii ila biyo leh ka ag cabaayeene
Nin ikhyaar ah oo goba haddii ina'n la waydiisto
Inkastuu adduun badan huruu adhi iyo mood dhiibo

Kol haddaan Ugaaseey la bixin uur colow yimiye
Waxa aqalka wayn lagu dhisaa ugubka qaalmaaye
Ajal dhimatay ooy laba qabiil eedi kala gaadhay
Ayaan iyo ayaan xaajadoo laysku uugaabay

Afyaraha hadday soo gurtaan nimankii aaraayay
Ikhyaar iyo cuqaal loo diriyo odayo loo soocay
Wax aqoonsi xaajadu hadday aad isugu raagto
Boqol awrku dheeryahay haddii ooda laga qaado

Markaasaa ninkii iilka tagay lagu ilaawaa
Adduunyada wax nooloon la simo ku arkimaysaan
Jilaal awaare le dhulkoo omosku duulaayo
Afmeerkiyo dhudcaha taagan buu ubax u doontaa

Ugaadhu rafiiq kula noqdaa ayga qaraduuge
Maba oga abaartiyo waxaa aadmiyaha dhibaye
Abeerkiisa dhalay oo hadhuub ibaha loo saaray
Afartiisa naas xiinka iyo uumiga iyo xoorka

Kola waxaan aduun kala lahayn amar u dhiiqase
Haddii oofo weynow ratiga ayro lagu qoojo
Aamin khayrka galabtii hadduu aaran soo didiyo
Usha mar iyo laba goor haddaad yara ogaysiiso
Ummalkuu u qabay doob hadduu awda kaga siiyo
Indha laliska miciduu sidii aar u rabinaayo
Kolla waxaan aduun kale lahayn aabi socdkaase
Haddii aanu asiiliga ahayn oogo lagu joogo

Ilaahay quraankiyo cilmiga kuma ammaaneene
Ilal-Ibili kuma soo rogeen aayadaha sare'e
Asalkiisa dhagaxii janadda kama abuureen
Nin aqoon yar mooye rag wow u orotamaayaa

Adhi iyo nimaan geel ku dhaqani oogo dagi waaye
Arkiba maysid Gaaroodigii iyo idhanki laan dheere
Afmeerka iyo ambada foolasha iyo oodankiyo dayrka
Ardaala iyo liibaax qawdhama iyo ururtii Xoor boodhle

Kiiyoo arsaaqadii gugii Eebbe kugu siiyay
Ilmaadeeraddii kulama shiro aradki tuureede
Ishan malawle iyo Garabis bay lo'i ag joogtaa
Mar haddaanu uubaale socon aayatiin ma leh

Afka intay ku haysaa biyaha uumi marayaa
Ayaanti gashaba waxay rabtaa in ay aroortaaye
Alla igu og oo saca ninkii aamina dagane
Kaa eriday qoys iyo kuwii aano kuu xigay

Ku ilowday xaajiyo tolkaa aragtidiisii
Ogolaatay tuuliyo dhulaan aabaha dagine
Ubadkii walaalkaa ka tagay kuu agoon noqoye

Subagaad ubadda sheegatiyo eeriyada buuxa
Igadhkaad gendaalka u dhigteed ku ag wareegayso
Ninba waxa adawgii diluu ka ololaystaaye

Ibtila ku dheehane rag uu kula arkaayaaye
Arrin se Cismaanow haddaad iga ajiibayso
Addeerow ma gadataa qotay iib ku leedahaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com