WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Geela(s)

Cumar Xuseen "Australi"

Gabaygan Cumar Austeliye (Ilaahay ha u naxariistee) isagaa oo cadan gaadhay ayuu walaalkii Cabdilaahi Cawl u yeedhay oo uu ku yidhi geel ayaan inoo iibinayaa. Cumarna waxa la sheegay in uu geela u jeclaa si yaable ama si qayra caadi ah oo wax uu Geelu ula siman yahay aanay adduunyada jirin. Markii uu Cumar ka soo noqday Cadan ayuu Cabdilaahi ku yidhi"Geela inaga daayo walaal aynu gaadhi iibsano". Cumar oo aan gaadhi iyo diyaarad midna doonayn ayaa tixdan soo socota halkaa ka tiriyay.
  Sabanadanba waa taan ka tagay sa' iyo wowgiiye
Waa taan ka saahiday tan iyo sebenki dayreede
Xalay uun baa saqdii dhexe hurdada siidhi lay tumaye
Sifaheeda maqal waa tixdaan saxayay waayaaye

Adduunyadu ninbay saacida saa'irtaa beriye
Sannado iyo gu'yaal dhawra bay sare u qaadaaye
Sinti adag haddaanu ka dhaqan siinad iyo xoolo
Markaasay sidii la arki jiray sibiq ku dhaaftaaye

Salaantiyo bariidadan cadmeed soorta iyo qaadka
Sanduuqyada camirin aaladdaa kuu sudhsudhan baydka
Sariiraha furshaantiyo cudbiga laysu kaa saaray
Sidaa aabaheen kuma anu dhaqan siiga iyo laane

Soomaali aradkeedu waa siigo iyo qiiqe
Salka lama fadhiyo nimaan lahayn suluxii heemaale
Ana waan sahladay waxaan miyiga siinad ku lahaaye
Ku saranseeray roobkoo ku simay Sud iyo Gaaroodi

Saqda dhexe haddii lagu lalabo socotadii geeddi
Koromada sagaal jiray haddii keeno lagu saydho
Aqalada sintoodii haddii sibirta loo laabo
Qarqarsiga haddii lagu sakalo sayncaddaha dhaartay

Heeryada haddii lagu sawiro suunka iyo bayda
Samay markaad tidhaahduu adhxaha sare u qaadaa
Waa wuxuu Ilaahay sandahay saad u eegtaaba'e
Sideed loola iyo tiirki iyo saamihii adari

surradii ubbada teedsan iyo saabka iyo haanta
Intaasaa la wada saarayaa saa'id weheshaaye
Siqiirkii dhalaankana guray uga sameeyaane
Goortii suryada loo furuu sare u boodaaye

Salinkiyo wax lagu caawiyaa suuradaa adag'e
Meeshiyo salaadiyo hadhkuu socod u jeedaa'e
Dadka oo surmiyay bay furaan sool abaar badan e
Dabadeedna seetada xiggtaa la isu saaraaye

Adduun lama sinoo geelu waa siinad gooniyahe
Rag sardamay sokeeye is dilay oo sabada mayd yaalo
Sooyaanka xaajada haddii odayo loo saaro
Sargad dheer haddii lala dhex galo seenyo xeradeeda

Sidka dhalay marcurad suura iyo sagal_madow qaalin
Sideed awrka lagu dhaamiyee sagal baruuroobay
Sodon na haysku dhimatee haddii ugub la soo saaro
Sulux iyo ammaan baa gacmaha laysu saaraa

Seedi iyo abti iyo walaaliyo nin iyo saaxiibki
Kol haddaan raggii kala suntaday wax iska siinaynin
Suuq joog magaaliyo dilaal sogobti mooyaane
Si kaloon ku taaba ma jiro suluxi heemaale

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com