Solamadow hadday GeedQuwaax saari kari weydey
Saaqiya dusheedii haddii saaka lagu sheegay
Sunta waxa la tuuryaynayaa sagalka dayreede
Iska suga Miroow idinku waa sahashanaysaane

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
  Mire Gundhiddin & Maxamuud Gaballaax
Mire Gundhiddin iyo Maxamuud Gaballaax waxay ka mid ahaayeen gabayahannadii Habar Jeclo ee badhtamihii qarnigii tegey gabyi jirey. Labada abwaan waxay in badan ka gabyeen dagaalladii Qurjiilayaasha lagu naafeeyey ee dhulka badan lagaga qabsaday. Mire Gundhiddin ayaa dhawr gabay iska daba tiriyey oo ay ka mid ahaayeen

1.
Adeeroow adaa guurtiyee gabay an kuu dhiibo
Haddaad Gaanka Habar Yoonis iyo ciidagale gaadho
Galaw baa ka ciyey ayahay Goray ku beerrayd dheh
Galaan lama darsado Laasihii wada guduudnaa dheh
Gaajiyo harraadbuu Hartigu gii'da la hayaa dheh
Baabuuradii guuxi jirey nagama gooshaan dheh
Gaadh baa biyihi laga hayaa godanki Caymeed dheh
Gildhigaanno iyo baa rakiban gumuc rasaaseede
Markaasaad guhaad nagu dishaan goor iyo ayaane
Kala gurannay nimankii haddaa geli lahaydeene
Guddoon baa u dhacay reer Isaaq gees u joogaba'e


2. Mar kalena isagoo Habar Jeclada guubaabinaya waa kii Mire lahaa;

Isagoo habeeddii lehoon cidi ku hawshoonnin
Imikaa halmaraleey gurracan lagaga heesaaye
Hartigii sinnaayoo ma jiro kala horrayntiiye
Inkastood hablaha saaciddaan laysku heli waaye
Habar Jeclooy nabad waad jeclayd helise maysaane
Mar hollada Haweenkuba galmada hadal la'aan diidye


Jawaabtii Maxamuud Gaballaax
Ina Gaballaax oo Reer Daahir ah ayaa Mire Gundhiddin oo Solamadow (HJ) ah u diray gabaygan uu ku lee yahay idinku malaha waad u tudhaysaane na suga intaannu saannadda u cabbaysanayno. Sida uu gabayga ku sheegay Ina Gaballaax, waxa Dayrtiiba dhacay dagaalkii Goldheero ee lagu wiiqay Reer Koombe.

Solamadow hadday Geed-Quwaax saari kari weydey
Saaqiya dusheedii haddii saaka lagu sheegay
Safarkii hadduu nooga yimi Saylac iyo xeebta
Siigada dushaasaa haddeer laga sifeeeyaaye
SanDhurwaalayaashii haddii soodhka lagu taagay
Sunta waxa la tuuryaynayaa sagalka dayreede
Iska suga Miroow idinku waa sahashanaysaane

 
 
Gabaygaas wuxu Mire Gundhiddin kaga jawaabay tix ay erayadeeda ka mid ahaayeen.
 
Soddon reer oo Shirshoore ah, haddii la isu kay saaray
Oo Geed-Quwaax lagu sakimay, waa si kale doone
Sannad buu dagaalkani socdaye, waa ku selesheene
Iska Seexda weligiinba waad, samir dhaweydeene.

==================================
3. Aadan Carab ninka la odhan jirey ayaa markii Gundhiddin dhawr jeer gabyey oo libin ku geeraaray is hayn waayey oo laga hayaa;

Haddaan Guniyobaareeg afxumo guuna laga keenin
Gundiddin iyo gabaygiisu waa geed iskaga laale


Gundhiddin wuxu gabaygaas kaga jawaabay tix ay ka mid ahayd

Maxaad geed ku laashaa ilaah kugu galoolleeye
==================================
4. Gabayganna intiisii badnayd iyo ujeedaduu ku baxayba way naga maqan tahay;

Magaaladan Shiriif iyo Hayaag ka hindisoonaayo
Ee haaramiintii Wacays hoy ka geli waayey
Ee Hagar ka meermeerayee hadalka loo diidey
Ee Cali ka haayiray intuu haanta koru qaatay
Bal inay hagaagtiyo inay hiif ka bixi weydo
Halka Khaalid Habarwaa xukumo la hubsan dooneeye

 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com