Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye
Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e
Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 










 
 
 
 
  Durdur

Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"

1. Maansaba dir bay leedihiyo daabac gooniyahe
2. Ninba wuxuu ka doontaa halkuu gaar u daaqsado e
3. Dadka uma gudboonee ragbay duuunyadiis tahaye
4. Deebaanka ruuxii hayaa lagaga daydaaye
5. Kani waa dux iyo sooryo iyo malabka doocaane

6. Waa dood macaanoo nin ragu lagu daweeyaaye
7. Waa gabay da'weynoo sannado dabaqu saarraaye
8. Waa doog Massaarriyo ku yaal Doollo iyo Hawde
9. Waa damal hadh weynoo midhaa daafta soo dhigaye
10. Waa ceel dad liqahoon fudayd loogu daadegine
11. Waa danan Ganaanoo fatahay dirirta cawleede
12. Waa dayr Shabeelloo dhulkiyo doojey beeraha'e
13. Waa daad rogmadey oo hadhsaday dooxadii Herer'e
14. Waa duhur Togdheeroo hugmoo kiciyey duufaane
15. Waa doonbir lagu oon bixiyo daran Nugaaleede
16. Waa Haro Digeedoo biyuhu dhinac ka daateene
17. Waa geed Dayibahoo ka baxay sabarka Daaloode
18. Waa doobi xoorliyo karuur lagu durduurtaaye
19. Waa deer-cad geeloo rintiyo dahabta qaalmoode
20. Waa faras dakano raadiyo duullimaad galaye
21. Waa geesi ciil dirirayoo doog haruu qabaye
22. Waa gabadh da'deed joogta oo guudka loo dabaye
23. Waa daraya-muuskiyo dhaclaha Daadi xidhataaye
24. Durdur weeye laga dhaansadaa daayin abidkiiye

25. Waa gabay dihnaayoo wax badan ibo daboollaaye
26. Waa gabay duqii aabihii dayro ka ahaaye
27. Waa gabay dorraatiyo ogaa dakharradeediiye
28. Waa gabay durbaankiila tumay diif la soo kacaye
29. Waa gabay ku diirsaday markuu waagu daalacaye
30. Waa gabay dagaar iyo ka yimi diillintii Guraye
31. Waa gabay dushaa sare jiroo caawa soo degaye

32. Afartaa daleeyey waxaan dib ugu soo laabtay
33. Toban iga dardaarana hadduu hadal wax daaweyne
34. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuutayda
35. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

36. Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye
37. Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e
38. Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e
39. Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida
40. Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone
41. Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya
42. Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka
43. Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha
44. Beeraha markii ay degeen orodki may dayne
45. Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye
46. Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh
47. Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay
48. Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay
49. Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday
50. Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe
51. Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye
52. Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage
53. Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen
54. Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane
55. Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe
56. Daalaa-dhac adigoo ahoo cudur ka soo doogey
57. Nin tunkiisa daawaday hadduu kuu dardaar weriyo
58. Libta looma daayee ushaa lagu dillaacshaaye
59. Innagiyo nin dahab sheegtayoo qubaya Doollaarka
60. In dagaalku labadeenna yahay dib u xusuusnaada

61. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
62. Toban igadigniinaan ninkii dagan ogeysiine
63. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
64. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

65. Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda
66. Yey qodoni eexaysataa dux u taqaannaaye
67. Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
68. Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye
69. Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe
70. Ma og tahay xadhkaa dadsan aan lana dareemeyne
71. Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne
72. Ma og tahay tag kula doodayoo kuu dan laa jire'e
73. Ma og tahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e
74. Ma og tahay digtoonaan la'aan dacar inaan leeftay?

75. Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane
76. Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine
77. Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye
78. Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne
79. Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye
80. Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane
81. Derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran
82. Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye
83. Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada
84. Ma og tahay nin daastow inaad dib ugu aayeyso

85. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
86. Toban uu dalkii sheegtayuu daw u leeyahaye
87. Ninka caawa loo dadab dhigay maqal dabuubtayda
88. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

89. Wuxu yidhi badh baa dibad ku maqan degelladaydiiye
90. Cadaawuhu haddaan dooh la odhan dib uma laabmaane
91. Shisheeyuhu dux buu iga heloo laygu soo durugye
92. Dahab iyo batrool aan dhalaa daaha loo furaye
93. Derrimaha madheedhka leh halkuu daaqi jirey geelu
94. Doogaygu meeshuu ku yiil waa la duudsiyaye
95. Nacabkay wuxuu weli degaa Doollo iyo Hawde
96. N.F.D ninkii doonayow daabcad loo tumaye
97. Obokh dawyadii laga xidhyoo deyrka lagu gooey
98. Sidii geesigii looga diley waa dumaal weliye
99. Hadalka laguma dale waxaan idin dareensiiyey
100. Ban daleela, degel qaawan iyo ooda kala daadsan
101. Guri aan duggaal iyo gabbood daahna lagu reebin
102. Guri aan dulsaar iyo lahayn dadabta loo xeero
103. Oo aan darrooraha cirkiyo daadka celinaynin
104. Guri uu shisheeyuhu degoo daaqi ka idlaystay
105. Guri looga sii daray markuu dawladnimo qaatay
106. Guri daallin iyo weerar iyo dulin abaareeyey
107. Guri ay dabayluhu galaan amase duufaanku
108. Maska duula haaway derderan dagan ma dhaafaaka
109. Dawac iyo dhurwaa iyo shabeel daacuflaha aarka
110. Guri aan dad-qaad iyo orgobe bahalku deynaynin
111. Guri duugmay oo aasmayuu daacay udubkiisu
112. Guri debed iyo bannaan dhul dheer lagaga soo duuley
113. Guri hoosta doofaar qotoo diinku ku caweeyey
114. Guri Eebbahay daba qabtiyo doorka iyo xooggu
115. Adna aad Diktoorkiisa tahay waxa daweynaaya
116. Idinkaa Diblooma u sitee dib uga faallooda

117. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
118. Toban uu dadweynuhu I yidhi duqayda gaadhsiiye
119. Ninka caawa loo dadab dhigaw maqal dabuubtayda
120. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

121. Rag baa weli dushaa laga rartaa sida dameeraaye
122. Daandaansi joogta ah ragbaa loogu daw galaye
123. Dibindaabyo niman baa ku lumay debec la'aaneede
124. Dacwaddooda niman baa dhegaa laga dabooshaaye
125. Dayaxaba rag baan arag siday dab uga baydheene
126. Degelkooda niman baanu helin dirirka hooraaye
127. Duunyaba rag baan lagu ogeyn xoolo daaq taga'e

128. Dambarkeeda niman baa ka qaday dihina Maandeeqe
129. Niman baa dalluun lagu ridoo daaha loo rogaye
130. Niman baa sidii awr dib jirey bahalo dooxeene
131. Niman baa halkii lagu deldeley daawasho u yaalle
132. Gumaystuhu dirkaa kula dhashy laba-dibleeyeene
133. Labadaadi daan iyo afkii daadku kala qaadye

134. Toban doora, toban daacadoo wada dedaaleysa
135. Iyo toban dannaa guud jiroo dayrshey noloshooda
136. Iyo toban dadweyna wax ka jira dacawga soo duulla
137. Iyo toban billaawaha wax dila daabka wada haysta
138. Iyo toban diyaarado watoo ina dul-meeraaya
139. Iyo toban sinnaan doonayoo xeerka daba jooga
140. Iyo toban sabool daadahshoo midigta deeqsiiya
141. Toban dudaya, toban uurka daba toban kaloo doorsan
142. Toban didaya, toban duuf-cunoo nacab la daaweysta
143. Toban dabata, toban toban duur-xuloo garab ku daaqaaya
144. Dushaa toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo
145. Iyo toban da'dii soo kacdaba dubata beerkooda
146. Dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa
147. Iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey
148. Dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade
149. Toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban
150. Diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso
151. Mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya
152. Toban dalab leh, toban loo dawero toban daleel jooga
153. Toban daasadaa wada sitoo xagal ka daacaysa
154. Toban daadsan, dibada mid jira toban dabayl raacay
155. Toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa

156. Intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda
157. Intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda
158. Intaasoo danaa guud jirtoo daawo wada qaata
159. Intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa
160. Intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata
161. Intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa
162. Intaasoo dagnaan loogu iman ama digtoonaata
163. Intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysnin
164. Intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh
165. Taasaa la wada doonayaa dan uga faallooda!

166. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
167. Toban uu Darwiikhkii I yidhi duqayda gaadhsiiye
168. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
169. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duullin.


170. Wuxuu yidhi darwiishkii Taleex barasho waa doore
171. Dagaalkaan abaabuley ragii duubka wada qaaday
172. Daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayey
173. Daliilkii illaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshey
174. Xeer laba dibleeyiyo waxaan daawo ugu yeeley
175. Waxaan daabcad iyo soodh af badan ugu durduuraayey
176. Haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayey
177. Kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayey
178. Waxaan duhur illaahay baryee tiriyey deeqdiisa
179. Waxaan Daayimow idhi habeen doqonta oo jiifta
180. Darfooley la ii dhigay waxaan gees iga duubay
181. Dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
182. Dibnahayga waxaan ciil saq-dhexe foolasha u daayey
183. Dawankaygu qaylada wuxuu gelinna deyn waayey
184. Dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayey
185. Waxaan duubi weynow sengaha ugu duulaalayey
186. Dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
187. Dabkaan shiday, waxaan gaal cad diley dabatadaan laayey
188. Dabayl ii cad goysiyo waxaan kiciyey duufaano
189. Danab iyo hillaac iyo waxaan weedh is daba joojey
190. Dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyey dabarkooda
191. Dulmadoobe iyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshey
192. Nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
193. Gobanimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
194. Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
195. Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
196. Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
197. Dadkii dhaxal la'aa baan lahaa doogga haw hadho'e
198. Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
199. Dakharada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
200. Ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
201. Dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye
202. Halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose

203. Ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
204. Calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
205. Danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaya
206. Laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
207. Dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
208. Dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
209. Hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
210. Dibnahoo qoslaayaan gam'oon seexday dabadeede
211. Gabbal dumey habeenkoo dam yidhi aan dayaxu joogin
212. Dad bakhtiyey kul iyo dayro-dhaaf diqim wax laynaysa
213. Dibindaabyo xeer dabar go'oo doorashiyo beena

214. Dumar iyo caruur ooyayoo dugeydu yeedheyso
215. Xaq daguugmey daa'imo la dhacay dunida oo qiiqday
216. Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
217. Dan hallawday guri daad watiyo dawladnimo qaawan
218. Calankoo ushii diidayoo daabku celin waayey
219. Fin dillaacay doog soo kacdoo arimi soo daacdey
220. Ayuun baa dareenkii labaad daaha lay furaye
221. Intaasoo darxumo oo dhacdaa daawo lay yidhiye
222. Dibin daabyo uurxumo waxaan dugul madoobaado
223. Ilmadaydu waxay yaab da'doon ciil isaga duugo
224. Garab daar maruun baa carshiga layga soo degaye
225. Maruun baa xabaaliii dednaa wada dayaameene
226. Dhaaxaan deddiyo taah kacoon soo dingiigsadaye
227. Dorraad tawradii dhalatay baa daaha lay furaye
228. Allaylehe durbaanki la tumay waan ku diirsadaye

229. Godkaygaa digniin iyo farriin laygu soo diraye
230. Anigoo darmaan fuushan baan soo dabbaal degaye
231. Waagoo dillaacaan arkoo duushay dhaxantiiye
232. Dayax soo iftiimaan arkoo nuuray dunidiiye
233. Dantii oo la helay baan arkoo loo dab shidayaaye
234. Deegaan is gaadhaan arkiyo xoolahoo dihine
235. Dadkiiyoo badhaadhaan arkoo reebay dacaskiiye
236. Dulmigoo carraabaan arkoy daacadii timide
237. Dikri iyo Quraan baan maqliyo diin la caabudaye
238. Dacar iyo rag dhuxul daacay baa daawo lay yidhiye
239. Door-roonayaashiyo raggaan anigu doonaayey
240. Duqa Janan Siyaad baan arkiyo dawladii sare'e
241. Dihin curatay oo igadh ah bay ii danbariyeene
242. Kolkii aan dardugey een dhergaan dooxay hadalkiiye
243. Dooddaan u jeel-qabey kolkaan madaxda deeqsiiyey
244. Yaan idhi dan baan leeyahoon duubtay gogoshiiye
245. Degdeg baan xabaashii ku tegey daal la'aan socode
246. Dacallada intaan feytay baan hoos u daadegaye
247. Inkastoon dalluun awdan iyo joogo duni hoose
248. Albab ii daloolaan carrada diirad ku hayaaye
249. Degmadiinnna waxa ii fadhiya duulan la aqoone
250. In dardaarankaygii fulaan helay daliilkiiye
251. Caawana mid daw iyo jidoo doora iga hooya
252. Inay dunidu hawl tahay sidii Daayinkuba sheegay
253. In dedaalku dhaxal waara yahay duugna laga dheefo

254. Inuu samuhu door dhalo hadday daacadnimo raacdo
255. Oy dhaqasho ruux doona tahay dib u xasuusnaada
256. Circa oo daruuraha marshoo darara mooyaane
257. Inaan roob da'aa laago rogin dib u xasuusnaada
258. Haddaan meesha doog iyo tayale duunyo lagu raacin
259. Inaan doobi loo culan hantida dib u xasuusnaada
260. Ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya
261. Inuu deeqda Eebbahay ka qaday dib u xasuusnaada
262. Daanyeer jarmaadiyo qadhaab gelin hadduu daayo
263. Inuu ruuxna soor uga durkayn dib u xasuusnaada
264. Hadday dunidu ber dheef lahayd dux iyo haaneedsi
265. Dufankii in laga laastay iyo dalaggi hoos yiilley
266. Oy maana dabagoosi tahay dib u xasuusnaada

267. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
268. Waa toban dastoor tawriyoo deelku wada yaalle,
269. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
270. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


271. Dardarta iyo geeddiga socdee meella degi waayey
272. Gaadiid dadabtii sidee rarada loo duubay
273. Dabageliska baydiyo ratiga caynka lagu duugay
274. Baalaha dareeriyo hantida deyr laga leexshay
275. Dibnaa sheekadii laga xidhee hadalka loo diidey
276. Daabkiyodumaha laysu tumay warank loo deyley
277. Daawada la wada qaatay iyo hawsha lagu daastey
278. Danta loo dhaqaaqiyo fadhiga dabarka loo gooyey
279. Doorkiyo abwaannada kulmee laysla wada doontay

280. Ma daalaha hoggaanka u hayiyo cuurka daba taagan
281. Dabka shidan dayaxa soo bixiyo dirirka loo guurey
282. Deegaantu meeshay ku taal doqoni waa mooge
283. Dhul dabayshu toban sii dhaxdoo durugsan weeyaane
284. Daanshood waxa lagu tagaa boqol diraacoode
285. In la duulo mooyee si kale looma ood dego'e
286. Digdigtiyo hayaankiyo guclaha deeddankiyo heesta
287. Daruuraha in laga dhaansadaa laysku deyeyaaye
288. Ma dekaame awr daabbadaa lagu dul joogaaye
289. Doox baa la marayaa badweyn dulin ka buuxaaye
290. Inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
291. Ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
292. Waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe
293. Ninkastaa dawaar xiimayuu dacalka haystaaye
294. Doonnidu ninkii ay riddow dan iyo xeeshaada

295. Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
296. Toban Digriidiinnu tidhi sii diktoorada'e
297. Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
298. Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


299. Waxay tidhi dalkaan wada aqaan labada daamoode
300. Deyn nimaan ku leeyahay hadduu daw I marin waayo
301. Waxay tidhi xaqii iga durkaan doonan karayaaye
302. Waxay tidhi gammaan doobir leh oon daalin baan ahaye
303. Waxay tidhi halkii didib ah baan dibi ku jeexaaye
304. Waxay tidhi dixdiyo buurahaan dalag ka beeraaye
305. Waxay tidhi durduurtiyo khamriga waan ka daahnahaye
306. Waxay tidhi darmaan curatay baa lay dambariyaaye
307. Waxay tidhi surwaal duluc-lehoo daadsan ma aqaanne
308. Waxay tidhi go'duugaan xidhaa dacal hagoogtaaye

309. Madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweynneyne
310. Darro iyo malaas baan timaa ugu dedaalaaye
311. Duunyadu hadii ay gudhoo dooga la idlaysto
312. Waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane
313. Waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye
314. Waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale
315. Digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane
316. Dantu waxay I siisaan gutaa Daayin mahadshaaye
317. Waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaare
318. Daribio mud baan kaga baxaa diifta gaajada'e
319. Waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo
320. Dabagaab shisheya ah ma geyo imana deeqaane
321. Waxay tidhi hablaa diibka-laa aniga ii doonnan
322. Intaas hal oo dood ah iyo faallo daba joogta
323. Oon Deel ka wada sheegay baan daacad kuu idhiye
324. Waanada ha diidina rag waa lal dardaarmaaye.
 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com