Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaadiyo digriga, hays dulaynina e
 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
 

Maxamed Aw-Cali Cartan [Haldeeq] - HJ /Reer Biniin

 

Gabaygan la yidhaahdo [dedaala] waxa tiriyay abwaan Maxamed Aw-Cali Cartan [Haldeeq] taariikhdu markay ahyd 13.08.2004 gabaygani waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa oogitaanka salaada iyo in aan dadku ama bulshadu ilaawin cibaadada iyo cabsida illaahay S W iyadoo salaadu ah cibaadada shayga ugu horeeya uguna culus cibaadada hadaba waxa uu abwaanku marka hore ku hal qabsanayaa saaxiibkii [Yuusuf-Garas] si uuYuusuf uga gaadhsiiyo bulshada inteeda kale waana kan gabaygii [dedaala]:-13/08/2004 

Garasoow dabuubgabay inbadan, deelay maan curine
Ma dalaynin maansooyinkii, ii dih naan jiraye
Markaan daa idhaahdaba, wacyaa soo dabayshada e
Waagii dilaacana dhacdaan, duni hilmaamayne

Aniguna ma dayn karo amuur, diiqadeeda lehe
Dubaaq bay shidaayoo ileen, waan damqanayaaye
Dareen bay godlaayoo bushada, waan u diir nixiye
Waqti baygu daaroo ibara, kaan doraad xidhaye

Ka dardaaran keediyo amuur, dib uga faaloodka
Inaan digo inaan dego, inaan dirir u faaleeyo
Waa waxan u dooranay inaan, diro walaalkay e
Wax I daaray baa jira hadaan, diiro maan sada e

Maantana daliil baan rabaa, inaan ku deeqaaye
Dadwaynaa isugayiyo bulshadan, wada duruufaysan
Dacwadaydan gaadhsii midhaa, waan danbariyaaye

Dayaxoo sed buuxsaday cad ceed,dacal la soo booday
Gu` da`aaya waqal iyo daruur, diriro heegeeyay
Daakiraada mayay soo durkiyo, sagal la daawaystay
Dhibic diilimaysatiyo dhulkoo, daadku mulac yeeyay

Dooga iyo barwaaqada dhirtood, dahabi moodayso
Dayibkiyo madheedhkoo caleen, dedeni soo fuushay
Ubaxoo dilaaciyo cagaar, damacu raacaayo
Oo ramadka dayr dhalay ilmaha, loo danbarinaayo
Isha daawanaysiyo qalbigu, dookha waw laba e

Ana damaca heestiyo murtida, waxan u soo doojay
Wax I daaray baajira hadaan, diiro maansada e
Maantana daliil baan rabaa, inaan ku deeqaaye
Dadwaynaa isugayiyo bulshadan, wada duruufaysan
Dacwadaydan gaadhsii midhaa, wan dan bariyaaye

Yaanu illa dabayshane hadaan, ararta soo duubo
Dux buu gabaygu leeyee hadaan, dulucda kuu dhiibo
Adna hayska daayicin tixhii, dararay weeyaane

Qof salaada daayaa rabbuu, diiday oo jaraye
Waa danbiile wayn iyo adoon, diinta qaadacaye
Waa ruux dafirayoo xaqii, been ka door bidaye
Debeduu ka joogaa sharcigu, wuu deldelayaaye

Waa ruux danbaabiyo iblays, daabadoow rarane
Qofkii dawga seegana cadaab, diirataa heliye

Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaadiyo digriga, hays dulaynina e

Garasoow salaada iyo digrigu, waa daliil culuse
Waa dariiq bad baado iyo illaah, dawga loo maro e
Waa daawadeena iyo wanaag, diidmo aan geyine

Waa difaaca ruuxda iyo qalbiga, daah ku qoofalane
Waa dababka naarta iyo cadaab, dayrka kaa xiga e
Diilintii siraad iyo jid aan, sahalo loo duulin
Ku dulsudhane waa nuur mugdiga, lagu dabaashaaye

Waa dahaaro iyo caafimaad, aan la dayn karine
Waa qodobka diiniyan u culus, uguna dooroone
Sidii daynta waa qaan danbiyo, waajib soo degaye
Waana amar dusheeniyo la faray, duubka aadmiga e

Derejo iyo xus weeyaan allihii, daa`inka ahaaye
Dadkaa lagu adoonsadayoo cigoow, dood ka qara wayne
Qalle iyo dib dhigis maleh hadaa, beri ku daydaane
Ruuxkastoo dareen iyo xus qaba, da`ina gaadhsiisay
Midna lagama daynine dhamaan, wayna loo diraye

 

Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega salaada iyo digriga, hays dulaynina e

Dam habeenka oo yidhi dadkoo, jiifa derintiisa
Daabadii la saaraye allay, samada duulsiisay
Rasuulkii dawaafaye carshiga, daa`in uga yeedhay
Waa camal daraadeed markuu, dheelmay loo diraye

Markuu daa`in oofsaday markuu, dunida dhaafaayay
Waa dardaarankiisii danbe iyo, kalin danbeedkiiye

 

Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaadiyo digriga, hays dulaynina e


Allii dunida taagaye buurahaa, culus ku soo dayray
Dadkoo ooman diraac iyo kaliil, la isla daan daamay
Maal dareeray iyo kii jiray afane, laysla wada daalay
Daruur godollan illaahi samada, dihin inoo saaray

Cirkoo dararay sagal soo dadbamay, dhibic dareeraysa
Dirir gaaxaday mayay aan dib dhicin, waqallo aan daahin
Heego da`aysa fadad soo dulbaxay, hirar la daawaystay
Saxan saxada dooga iyo xareed, dunida maanshaysa

Daqiiqado yar illaahii naflaha, meel ku wada deeqay
Duur joogta haad iyo dugaag, maalka debedeena
Inta diran intaw diran khalqiga, dunida guud saaran
Risiqooda illaahii dejaye , jeexay dibintooda

Dayaxiyo cad ceed iyo xidigo, duni ku nuur yeelay
Deg deg iyo habsaan li`I midaan, gelina daalaynin
Allii nagu daryeelaye hadana, noogu daray saayid
Deeqsinimo iyo illaahii wax bixin, kaligii loo daayay

Dibnuu koobi maayaan nimcada, daa`in noo huraye
Ishu way ku daashaa haday, daawo leedahaye
Ka da`wayn quluubta iyo dahriga, duubka aadmiga e
Ma diyaarin karayoo naflaha, daalacdaa baqa e
Adoo dayacan illaahaad gacmaa, dagan ku tuugayso

Dafiraad ka wayn iyo inaan, amar ku diidnaaye
Daacadnimo waa inaynu nahay, duulku caabuda e
Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaadiyo digriga, hays dulaynina e

Degelka aynu joogno iyo ifkaan, la isu daynayne
Mawdbaa danbeeya oo geeribaa, loo diyaar yahaye
Duni laguma waaro e qabraan, dib u galaynaaye
Maalin daran duruuf iyo xanuun, diilalyada taagan

Maalin damaqle dayiin iyo hayiin, diifi wada hayso
Maalin derejo duuyo iyo awood, cidi ku doodaynin
Maalin doogta taala iyo shidadu, uunka wada daartay
Dhibta da`aysa awgeed maalin aan, la is dardaaraynin
Dadka ruuxii kuu xigay maalin, aanu adi ku doonaynin

Ishu daymadii iyo maalin ay, dayso midhiq layska
Diihaalka jira sabiguna maalintuu, duubka ka ciraysan
Hadhka daa`in mooyee maalin aan, daahna lagu eeran
Dariiqii rasuulka iyo nin maray, dawgii nabigeena S C W

Ayaa derejo gaadha e mid kale, waa dab galayaaye
Digriga iyo salaaduna maalintaa, derejo weeyaane
La dugsado iyo waa camal maalintaa, laysku dayn karo e

Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaadiyo digriga, hays dulaynina e

Nafta doonisteeda iyo runtaan, dani walaalayne
Waa dardaaran waayeel midhkaan, kula dul joogaaye
Sharcigaan ka soo daabacay iyo, diinta waynahaye
Digniinta iyo waanadan qofkii, diiday baa lumiye
Dacwad baa ku oognaan sidii, shiikh ku daakiraye

Intaad debeda joogtaa taladu, kuu diyaar tahay
Hadaa dubuq tidhaahdaan majiro, dood lagaa qoriye
Waxa dagaya shaydaan qofkii, aan digniin qabine
Ruuxii la duufsaday waxaan, deeqin waanada e
Dib u soo baraaruga iblays, waydin dagayaaye

Yaanu gabaygu illa sii durkin, oo doonan meel kale e
Digniinta iyo waanada waxaan, hadal ku soo duubay

Ruuxii damiir lihi marbuu, damaca waabshaaye
Nafta dabar u dhiibaa qalbiga, run u dardaarmaaye
Uu daliilka eegaa sharciga, dib ugu guuraaye
Uu toobad daacada illaah, dib ugu laabtaaye
Ruuxii la duufsado waxaan, deeqin waanada e
Dib u soo baraaruga iblays, waydin dagayaaye

Dalacaada qaaruun markuu, gooyay dabarkiisa
Markuu dunida beensaday xaqana, geeyay dabadiisa
Isqaad qaad diciifa iyo markuu, kibirkii dayn waayay
Dhulkaa lala dalooshaye wax kale, looma soo dirine

Naftii damacu qaadaba xaqaa, lagu dubeeyaaye
Dulibaa fircoon iyo ku dhacay, dumadii haamaane
Roob iyo dabayl baa haligay, dunida reer caade

Daalimiinta waawayn markuu, daa`in qabanaayay
Midna lama duraamane ciqaab, soo degaa helaye
Dadka kalena digniin buu u yahay, daabicii hadhaye
Doqon iyo warmoog baa cadaab, diidmo gelisaaye

Dedaal iyo cibaadaa janada, lagu dukhuulaaye
Dahrigii raxmaan qiraa sujuud, laga dareemaaye
U deg-dega  salaada iyo digriga, hays dulaynina e.

 Dhammaad.

 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com