Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
 
 

Harti Bi'iye "HJ"

Harti Bi'iye ninka la baxay oo ahaa abwaan reer Caymeed ah ayaa beri ka heesay sheeko yaableh oo
ka dhacday Ceelka Caynaba.

Haad weyn abaartii
harti baa dhammaantii
Wadadaa Hilma-Caddood
Hal Baqtiday isugu tegey

Hilbihii intii kale
Waa ku kala hagaageen
Hadhadi iyo calooshiibayse
Isku wada halgaadeen
Oo haanta isku gooyeen


Markaasuu u qaybinayaa hashii baqtiga ahayd oo jilib waloo ka mid ahba Saamigooda siinayaa.
Nin u jiibinaya ayaa heesta dhextaalkeeda leh isagoo ku maansoonaya;

Hartigii badhbaa hadhaye
Hilbaha ha ku loofarin


Harti bi'iye oo aanan hayn siduu baqtigaa ugu saanyey qolyihii baydhay waxa kamid ahaa.

Odalaay ardaaya xun
Madaxaa il kala baxaoo
Inta kale ha eegina

Cali Gheri candhada sii
Waa u caana jecel yee

Hadhadii iyo calooshiina
Hagar Aadan baa helay

Isgaa jiriir adagoo
Ilka lagu jejibiyo lehe
Jibsimaha u soo jara

Cumar Cali, Cigaal Cali
Cigalaha Majeerteeen

.....

Fadlan Soo dhammeee

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com