Qoraal (Written)

  Heebaan

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

  More

  More

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  HEEBAAN

 

 
 

  Habar Awal, Ciise Muuse

  

  Cumar Xuseen Austraali iyo Heebaan oo Ciise Muuse ah waxaa dhex maray xurguf Suugaameed aan wax badani naga soo gaadhin;
Cumar Austraali waa gabyaagii caanka ahaa ee geela Ammaantiisa aan dabadii la hadli jirin wuxuuna magaca kula baxay gabay ammaan ah oo uu gabadh u tirshey oo ay erayadiisa ka mid ahaayeen;

 

Eglan iyo Shawaa dahabkayaga laga amaahdaaye
Australia noo jirraban adhaxda jiilaale


Maadaama aan xilligaa la aqoon Australia ayaa magacaas lagu dhejiyey loona yiqiin intii maalintaas ka danaysay:

Heebaan iyo Cumar Austraali waxa dhex maray gabayo faan ah oo aannu beyd-beyd ka hayno. Waxa gabayadu ku saabsan yihiin Milkiga magaalada Berbera oo qoloba gaar u sheeganayso. Ciise Muuse intaanay la wareegin Berbera waxa uga horreeyey Reer Axmed Nuux oo dhawr qarni cashuurta ka qaadan jirey dekedda. Is maandhaafku halkaasuu ka yimi oo ninna wuxuu garanayaa Sacad Muuse (Ciyaal Yoonis & Ciyaab Axmed) oo magaalada haysta Heebaanna magaalada Annagaa haysanna oo leh buu ku doodayaa.

Heebaan oo waxoogaaga Nuux Ismaaciil ee ku sii hadhay Berbera u digaya ayaa yidhi;

Sitiinkiinan soo hadhay intaan sahayda loo miisin
Ee laydin saafurin ka hadha Saaxil murankeeda.


Cumarna oo yaabban baa ku soo jawaabay

Haddii Ciise Muuseba Berbera caawa iga yeeshay
iyaba waa cashiga aakhir seben camalladiisiiye


Mar kalena waa kii isla Cumar Xuseen lahaa;

Waxad sulubki Heebaan tidhaa saacaddaad aragto
Weliba waa sideed goor intaad nagu sinbaadheene
Hub samayso maantaan la bixay sumuci gaabnaaye


Heebaan baa isna ku soo jawaabaya

Waagii saraayuu dhacee suurta la afuufay
Eed surinka tuulada fadhidey saamigaa dhace
Waanigii senteri kuu ahaa soogan garabkaaga.


Cumarna erayadaasuu goldaloolo ka helayoo yidhi " Haddaad Senteri ii ahayd oo aad madaxnimo ii qirtay maxaynu ku murmaynaa!"

Haddii aad senteri ii ahayd soogan garabkayga
Suldaankaaga lama caasiyiyo Suudi-daarrada'e


Fadlan gabayada dhantaalan soo dhammee qisadoo dhanna bal soo tebi

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com