SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Marwo

Cabdillahi Hinig, (HJ)

Cabdillahi wuxuu gabaygan ku tammaanayaa gabadh uu malaha jeclaaday quruxdeeda iyo qaayaheedana la dhacay.

Marwo quruxda dumarkoo dhan bay muunad Dheertahaye
Hadii aanay magoolkiyo ka dhalan meel aan garanaayo
malyuun lacag ah eraygeeda qudha kuma mataaleene

magaceeda kama naadiyeen Makhiyo Shaanshaane
in la maro madow iyo caddaan muumin iyo gaalo
makhluuqoo dhan bay sida shamsada magane nuurtaa
mashaayiikhda iyo Saadadaa lagu maleeyaaye
marjaheeda laafyaha markay maarch u soconayso
minjaha iyo socodkaa laga gartaa siday u miisaanto

ma makiinad baa lagu sar jaray maalintay dhalatay
mise waa Marwow xuural cayn lagu muraaqawye
sidii Minilik dahabkuu qotay iyo macawisii Saaxil

mid Jawaahiray naago kale maankii qaban waaye
manfac igama suuliyo hurdada muxubadeediiye
ragana ninaan maqaamkeed ahayn mulug haduu keeno

minawaarro donyiyo hadduu maylal soo geliyo
inuu midigta saaraa ka duuf midab haldhaalaye
masraawida la moodyay ninkii midhayar loo diidye

mayduun fardood iyo dabka iyo meeridii lacagta
maydh iyo idiin baanu bixin magacu waa geele
inta aan laba marqaaflaa xun iyo maydhaf lagu siinin

ama nimanka beeyada mudmuda lagugu miidaamin
milatariga Nuux baan ahaye mar ila soo joogso

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com