|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Macna Maleh

Hurre Aadan (BadhaTuug), (HA)

Gabaygan oo sidaan filaayo Cabdi Gahayr uga jawaabay Hurre Riix Halkan, wuxu abwaanku gaar u dhaleecaynayaa Ciidagale iyo Arab. Gabayga waan baadi goobayaa oo ma dhama sheekadiisuna weli iima baxsana.
Macne ma leh walaalkaa miyi iyo naag magaalobee
Labaduba markay kaa madhshaan mootka iyo noolka
Lama moodo maalin qudha inaad meel ku kulanteene
Mar hadaanad meel adag ka dhalan lagana maagaynin
Macne ma leh muquurkaa wareeg muumin kaa qoday
Macne ma leh wuxuu cali mataan daaro meersadaye
Mar hadaanuu maydkooda go'a mara ka saaraynin
Masaajidkaa lagu janayn waa ismoog yahaye
Macne ma leh martida Ciidagale way ku mirayaane
Xashka kama maqnaadaan oo makay kugu duljaagaane
Inkastood mandarad saarto ood malab waraabsiiso

Magan kii ku koray ayaan abaal soo mar celinayne
Macna ma leh macruuf Arab la taray waa wax kaa maqane
Macna ma leh aduunyada ninkii madi ku joogaaye
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com