SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Huube (HY)

Waxan kabaha haraga uga dhigay hawsha dabadeede
Hinsi iyo rag igaga jiiftamay ayaan ku haamiyaaye
Waa waxa cirkuba ii hakraday hadasho duulaane
Iyadoo hanaan quruxsanay heeg la daba joogo
Isagoo hareedi miskaha heeda kaga yeelay
Isagoo doobta sida haan garnayed hugun ka yeedhaayo
Oo micida sidii aar hal dilay hibo talinaayo
Oo luqunta hoos uma dhigo ee haada jiranaayo
Oo hibda Eebaa u dhashee halaf ku meeraaya
Dhaaxaa nin laga hoyn karaa Hawd ku foofsadaye
Waa waxa hanqaarko ugu dilay hugunka kooraaye
Huraanja ilmaha loogu xidhay kii horaan dhalaye
Hangool gaaban iyo siidhibaa lala hor joogaaye
Anigoo habeed laha ku dila hotada mooyaane
Anigoo hareerada nirgaha u hooja mooyaane
Anigoo sumada haarka ah ku dhiga hugufka mooyaane
Hubkii inaanu wada tiirinay oo Haybe nala moodaye
Habar Yoonis anigoo dagaal u hubsha mooyaane
Danbina inu ku hoos jiro sax waan ku hamiyayaaye
Hamuun lala jarmaday ayaan arkayn halaca naareede
Wax badan baan ilkaha hilib ku cunay hagar la'aaneede
Hadhuubka iga madhan ayaa idinla hambo beelayne
Hadhka uga dhac caydhaan mid kale u huwin doonaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com