|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Ibrahim Gadhle "Saatir muu odhan"
gabaygu ma dhamma
 


Sarbeeb gabay allaa ii sakhiray , siinka maansada'e
Subaxii shalaytiyo dorraad, salawgi ay reebtay
Sagalkaa aroortiyo, berriyo, saandanbiyo maanta

Hadba saaca muuqdaa murtida laga sameeyaaye
Suugaanta waxa loo maraa surin cidhiidhyoone
Saca gudhay salaax kuma godlado, ama sabaalayne

Faqashtii sallaanbaa la dhacay saaran guri dheere
Sidii Qaasim saadaaliyey, iyo siibashaa timiye
Saraakhiishi naaxdiyo askari, suuqa lagu laaye

Kun aan solay, kumaanan sigtoo, selelayoo yaacay
Kunaan saafay, kumannaan sur go'an, saajinnada daadsan
Kuman sirinsirqooboo halkii, sibidhka boodheeyey

Sakaraatul-Maydkii, kuman samada eegaaya
Sibrahaa lugaa, iyo kun ay seedda kala goysey
Kumanyaal Sakaarkiyo wadnaha, soodhki kaga joogo

Sanbabbada kun ay kaga dhacday, iyo sararta hoosteeda
Kuman aan saloolay, iyo kuman diirka laga siibay
Kuman aan sadqeeyoo, sidii summaladuu loogey

Ayaxoo sun daaqay noqdeen, gebi salweyntiiye
Sabool caydha, sacab baahan, oo sadaqad doonaaya
iyo qaar siniintii urshoo, soo sunsumay dawga

Dhidar seemman jiifaa sirgacan, weere salalaaya
Sanqadhyare shabeel iyo dhurwaa daba siqlaynaaya
Sigley Dacawo, Doofaar silloon, Harimcad siigeeya

Tuke sugula, haad soo serdamey, salamadhlaa duula
Abeesada sakaarada liqdiyo soongurkiyo yeyda
Maska sululuxleeyiyo abguri, surinka noo jiifta

Soomaali waxa sheegta, saadka iyo wawga
Kulay tahay subxaanyada dagaal waa ka siman yiine
Inkastoo saqiir iyo kabiir nalagu soo duulay

Hayeeshee siday doonayeen, Saatir muu odhane
Siikaha markaan ula bixiyo, seefta ololaysa
Sida ay u le'edeen, malaa waad la socoteene
Sannadaha midbaa aadanoow, saxal ku fuulaaye

Midna wuxu ku siiyaa sed aan, abid dhammaanayne
Siddeed iyo Siddeeddaan ka baxay, saymahaan galay
Bisha May salaan baan u diray, laga sal guurayne
Allaylehe sidaan rabay waqtigu waygu soo simay

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com