WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Calan Saar

Cabdi iidaan (Arab)


Gabaygan waxa abwaanku tirshey habeenkii Calan-saarka. Ayadoo abwaanno badani oo Timacadde ka mid yahay ay habeenka goobjoog ahaayeen, gabaygan wuxu Cabdi ku qaatay kaalinta kowaad.

Geeraar baan awalkiisiyo
Anbaduu ka bilaabmiyo
Halka uu ku idlaadiyo
Sida loogu Ishaadiyo
Aakhirkiisa hayaaye
Indhaweyd iska daayee
Akhyaartiinan Golaa
bal maydiin akhriyaa

Eray wayga Salaan
Erayna wayga duco
Halna waa ururkeenna
Erayna waa Calanka

Eray wayga salaane
Waa araarad maqnaynoo
Waa ashqaalo magaaloo
Ammintanaannu haleelnee
Ereygawgu horreeya
A-Salaamu-Calaykum

Erayna wayga duco
Ilaahow ururkeenna
Inta loo denbi dhaafee
Ummaddii Nebigiiyee (NNKH)
Ehlul-Khayra ka yeel

Ilaahow arligeennana
Mid ammaan lagu joogoon
Abaaroobin ka yeel

Ilaahow aduunkeennana
Mid ibtiisa la maaloo
intifaacleh ka yeel

Ilaahow Oodda dhexdeenana
Soomaaloo idilkeeda
Midday uurka ku hayso
Mid Ilaah ka daweeyoo
La Illoobo ka yeel

Ilaahoow eraygaygana
Mid aammiin la yidhaahdoo
La ajiibo ka yeel

Ilaahow udubkeenna
Istiqlaalka la siiyey
Afarteenna bahoodee
Hareeraa kaga oodan
Isu keen wada keenoo
Mid adkaada ka yeel

Erayna waa Calankeenna
Uumigii milicdii iyo
Asqadii dhaxantii iyo
Afduubkii xadhiggii iyo
Adduunkii lacagtii iyo
Ibtilooyin kaleetiyo
Eed wixii nagu gaadhay
Adaan kaaga qabawnayoo
Kolkii uu araggaagu
Iiftiinkii ugu deeqayba
Axdabtii? laga raystayoo
Dad aqoon daran miihinoo
Maanta meel laga ooyiyo
Oheey way iyo ciil iyo
Uurku-taallo ma joognoo
Ilaahbaa mahaddaa leh
Oo abaal loogu qabaa

NFD-ii ninka joogiyo
Kan Amxaaradu laysiyo
Obokh meel la yidhaahdiyo
Labadaa ku arkaaya
Sidii Aaranka geeloo
Inta uu ul ku goosmay
Intaad ooho tidhaahdo
Ururiyoo dul sudhnaw oo
Isticmaarka fogeeyoo
Ardigaaga xoreeyoo
Insha-Allaahu hagaagoo
Adkaw oo ha nuqsaaminoo
Ishii Cawri taqaanniyo
Kuwa uurka dabaayiyo
Afka layska habaaro
ILaahay idamkii
Kuma soo ag maraan

Albaqraa iyo Weyluniyo
Arbacuunka Quraankiyo
Idaajaa kugu deyrey

Halna waa ummadeennee
ururshow ururshoow iyo
Ma kii loo irkaadaa iyo
Waa kan kii araggiisa
Indhuu noogu baxeen iyo
Alloow yaan ka fogaaniyo
Intanba yawga dhawaadiyo
Yaa agtiisa ku waariyo
Oggolaannay dhahaaya oo
Amranaa ku xigsiiyoo
Qof walooba agtaadiyo
Aqalkaaga hortiisa
Albaabkaaga ku joojiyoo
Ilaaliyoo ha ka jeesan


Gabaygani wuxu isla abwaanku ka tirshay Khayriyada hargeysa habeenkii Calansaarka wuxuuna ka mid ahaa murtidii uu habeenkaa Abwaanku ku mutaystay KAALINTA KOOWAAD.
Digniin: Gabaygu ma dhamma mana saxna Cajladda aan ka qoray oo tayadeedu liidatay darteed.

Isticmaar wax badan baan ku jirey lay addoonsado'e
Waagay Eebada qaybiyeen eedda laga boodey?
Ayaankaa la kala roonyihiyo ubadka xoolaaye
Innagaa Allaylehe ka dhigan awliyoo kale'e
Dadba Midaannu kaga aarsannoo aayalaad tahay
Durba waadigaa nagu anfacay aammin nabadeede
Amley iyo warmii qarinay iyo agabti shaydaanne
Ayaantuu Qiyaamuhu dhacee Suurta la afuufo
..........................
Allayliyo allaylehe malaa adiga weeyaane
NFD-ii kuwii joogey iyo kuwii in uga baalleeyey
Alambaqa kuwii lagu ridee Uubta lagu hooyey
Iyo kaa ifka u soo baxee maanta ku arkaaya
Iyo kii Qurbaha ku anbadiyo odayadii raagey
Idilkoodba adigawga dhigan Aabbe iyo Wiile
Insha-Allaahu Soomaali waad ururin doontaaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com