SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Guba:

Ismail Cigaal Bulaale (HY)

Dawlaabta maansada anaa deeqsi ku ahaaye
Indhaweydba waataan dedoon diiradaw rogaye
Hadba aniga oo daayey bay igu danqaabaane
Bal an dayo dibnuu waxay barten dihashadiisiiye

Sidii dirirka rooboo bishuu di'i lahaa jooga
Ama ramag diraacdii dhaloo oon la dubayoobey
Oo maqasha laga duubayoo ololka deexaanshey
Ama dawri aar oo in badan duur cidla ah jiifey
Oo debedda neef ula dhacoo miciyihii deyshey
Dadoow maqal damaashaadku waa diririgtaydiiye

Dacwad waxan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
Dacwad kalan waa Cali haduu gabayga deyn waayey
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga

Dacwad waxan ka idhi geelayaga loo dardaarweriyey
Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh
Doollaaba lagu sii wadaa dayrta maanta ahae
Dibna u laabmi maynoo dalkii doogi ka idlaaye
Darka Qarandi deexdi Cammuud waa dar noo xidhane
Dixda Raygaleed iyo Gargaar waanan deyn karine
Dumbuqyaaba laga soo guriyo degello waaweyne
Anaa doonnanaystaye baqaa looga diir wadhaye
Daw hadday lahayd Jeerinleey waan dul tegayaaye
Degina maayo jeeroon ku furo degelki Gaafow'e
Daahyaale geeli la helay waa dirramayaaye
Dabarkiisa waxan loogu lumin amase loo daalin
Ninna nama daneeyeen haddii lay dalleensadoe
Deeq looma siin wiilashaan deyr ka xoogsadaye
Diishaaba laga soo rogiyo Daaqatiyo Faafe
Meeshaan ka daadegi jiraan dabaqna saarnayne
Ma nalooga daray sow raggii dulli jirey miihin
Mise doorkanaa xoog ka dhacay duudda Habaryonis

Afartaa ma daaldaalinine daw ma ku hagaajey
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
Dacwad kalena waa Cali hadduu gabayga deyn waayey

Nin da'yari danbaab iyo ha galo diradirayntaase
Diintii Rasuulkiyo haddaad daacadda u jeedid
Oo adan dariiqada ka bixin duudi Nebi aadan
Oo madaxu deyrkaa ku yahay waa digniin dhabahe
Sideebaad dawaar ugu rogtaa dunida geestaada
Ma dugaaga cunayaad tihiyo haadka daba jooga
Mise derisnimaa kaaga dhiman hadalkan deelqaafa

Adaa Dir iyo Daarood dhexdhigay dabiyo baaruude
Daca gelisey reerihi ahaa ul iyo diirkeede
Mugga haatan dirir uumiyuhu waa is dilayaaye
Doqon iyo ogaadeen haddaa dalaw ku sheegaysey
Waxa daarahoodii kharibey duulka reer Gorode
Dunjiga reer Subeer oo dhanbaa duudsi loo naqaye
Adaa dalawadoodii dhacoo ceeb ku daababacaye
Weyl baan dabraabaad na tidhi waana didayaane
Nimankaad dadkii wada tustee daawo uga yeeshay
Waa maxay barordiiqdan aad ugu danookhyeysey

Dadkaba haatan godob duuga baa kugu dahsoonayde
Duhurkaaba lagu toogan laa dayrta maanta ahe
Ma daguugan tahay sow ma ogid deynka idin jiifa
Naftan Dawguduud lagu guree sidatan duurkaas ah
Waa odayadoodaa disheen eed ku digateene
Idinkaa duqyaal iyo xidhxidhay sheekhyo daahirahe
Halkii Aw Xuseen lagu deldelay waa dalluun qodane
Dubbuhu wuxu ku dhacay Bihina Cali degeladoodiiye
Ku daaduunme reer Carab sidaad uga dig siiseene
Da' roontii kacdaba waydinkii gooyey reer Dalale
Sidaan lagu dareemaynin baad ugu damqaysaaye
Inaan nimanku diirdiiranayn waxaw daliilkiiya
Dooyiyelkibaad tahaye maa lagu daqiiqeeyo
Guutada markuu Macallin Doon kula dawaafaayey
Eed sida wadaad soo dikriyey doobta karinaysey
Ragaad qoodhadogoblow lahayd sida damayr weyda
Ee saca daroorriyey baqaa daadshey qalabkiisa
Anagaa ku deyrane xigtana ugama diirtaane
Iminkana halkii daganta waad docadocaysaane
Hadduu awr duleedka uga dhaco waad dudubisaane

Afartaa ma daaldaalinine daw ma ku hagaajey
Ma daleeyey arartaydu waa dahab sidiisiiye
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga

Deris kuguma sheegine markay diiftu kugu tiilley
Adigoo dullooboo sidii daabax lagu moodo
Dalkayaga markaa timi haddii laydin derejeeyey
oo duunyo waa fududahee dadab laguu heelay
Oon gabadh daruur u eg aroos kuugu dalaqsiiyey
Uu kuu dabaadegey qabiil daabad wada fuulay
Oo dun iyo shaal heensihii laysku wada duubay
UU danabka Maadhiinyaruu kugu dinnaahyeeyey
Oo ay durbaan kuu tumeen dumar wixii joogey
Meeshaan abaal door ah oo debecsan eegaayey
Haddaad guuto noo soo duntoo daabcaddo u dhiibtey
Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal an dhawrro

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com