SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Wiil Karanle2

Wiil Karanle, (Karanle Hawiye)


Gabaygan waxaa tiriyey wiil karanle asigoo ka jawaabayey gabay aflagaaddo loogu geystay dadka uu ka dhashay.

ka'da gabay kalaan lagu hadliyo kafki wan dhigaye
xalaybaan kifaaxoon hurdada kaam u soo dhigaye
waxba gabaygu yuu iga kidmane waxan ku soo koobay

karti adag karaamiyo ismaqal karanle loo daaye
kurba adag markey joogto ooy xaajo kululaato
kaalayaay raggii lagu yaqiin karanle weeyaane

Kaynaan u guurkiyo haddaan koronka heenseeyey
kidiriyo seexowle iyo haddaan kaariyaba keenin
iyo koonfur niman yaallo iyo kulanka waadeerre

kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
kaaraha haddaan layla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin

kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanim
konton sano nin gaaroo adduun hawl kastaba keenay
iyo keey hawo koodu tahay kala korreeyaane

kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

karni idil kornaylkaa watee kaarni lagu siiyey
iyo kuwa askari koodu yahay kala korreeyeene
kaloonkoonka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin

kan diyaaraddaa kiciyayee hawada kiileeyey
iyo kuwa iskuul koodu yahay kala korreeyeene
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin

karanlaa la caayaye hadduun kaabcadduhu yeerin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin
kurus iyo ninkii kaahenooy kumbuska googooyey

iyo kii salool koob ku shubay kala korreeyaane
kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin

kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin
kan karoorka weyn goostayee kariska loo doontay
iyo kaan martida kaafin karin kala korreeyaane

karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin
karuur iyo ninkii kaafiyaay subagga kiileeyey

iyo key barqaada koodu tahay kala korreeyaane
kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin
korneyl ku sheegga ciisiyo waryaa kurayga xiireeya
haddii uu kas leeyahay calina uma xisheen kiishe

Baashena kafeegiyo qamrada kurus ma moodeene
nin tolkiisa kaaraha la dhici waaba kirishtaane
kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin

kalooniga haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda
karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin
kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com