SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Maruuryo


Khaliif Sh Maxmuud, "Khaliif Maruuryooday"(MJ)


Abshirow micnaha gabay haddaad mid iga weydiisey
wiilyohow madluunbaan ahaa maalin iyo leyle
intaas waan mugleeyahay sidii gorayadii muune

Mas la diley sidiisaan madaxa meerinahayaaye
Sideydana waxaan maaganahay waa wax kaa maqane
Magliga daabo maahane si kale hay maleynina

Adduunyadan maraabeysay oo murugtey ee xiintay
Ee uu Mareexaan u kacay waa masala weyne
Gardarradaas mutuxan waa dagaal waxaan ka miisaaye

Maruuryoodayeey xalay miyaan miray caloosheyda
Muskii layga soo galay miyaa dhaxani mowleysay
Goortaan wax milicsaday miyaan cadho madoobaadey

Midigta iyo bidixdii miyaa midiba meel aaddey
Markabkaan ku tiirsaday miyaa meeshii laga qaaday
Maxamuud Saleebaan miyaa marada loo taagey

Mililkiyo hurgumadii miyaa uurka igu miirmay
Sidii aar mudi ahaa miyaan micida soofeystay
Ma inaan colaad maamulay dani i moodsiisey

Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay malab sidiisiiye
Sidii miraha Doocaan ka baxa muudsey aadmiguye
Nin waliba wuxuu mihindisaa inuu magawshaaye

Agoon maalki laga qaadayoo meel kastaba jooga
Mareykaanka naagaha xidhee madaxa loo saaray
Oo mudanayaashii jeclaa mawdka laga yeelay

Dadku mowdka waa iska ogyohoo maalikbaw qoraye
Meydka iyo raqdoodii miyaa laga dul maansooday
Sidii waxaan muslin aheyn miyaa muxubbo loo laayey

Madficii iyo rasaastii miyaa meel kastaba gaadhey
Kulli midhaha Daarood miyaa keen isugu miirmay
Ma kuwii aan hartiga moodayaa soo mashxaradaayey

Maangaab Dhulbahanta ah miyaa nagu malaabeeyey
Mergi-kuusyadii hore miyaa muruqa noo tuujey
Mahanniga Ugaadeen miyaw mabay xumaanteenna

Warsangeliga maahee dadkii mayna wada meershey
Inkastoy bahnimo muujiyeen sooma mayl bixine
Malkadaan ka sugayiyo may iman mooshin kaan rabaye

Haddey ficil maqiiqaan warmuhu nama muquunsheene
Macaan iyo xareed bay idaha kaga macaashaane
Macna ineeyan noo tarin miyaa meesha ka caddaatay

Iidoor marduuf qaada helay waa majnuun falane
Hilib maraq leh iyo roodhigey miisanahayaan
Macnaha dowladnimo leedahayba uma muraadaane

Caynaanshe meeshii la dhigay haadku malafleeye
Mudafkiisu waa kii dugaag maalin weyn cunaye
Maskaxdiisii waa tii tukaha looga dhigay miile

Nabadbay macaansanahayaan wawse maan li'iye
Wallee ama magaalada Berbera dhiiggu mulacyeeye
Ama sida mawaashiga ratiga mayr lagu saarye

Hawiye meel uu joogaba dagaal weyska maanacaye
Maankaba ka jare raganimaan meel ka soo geliye
Maaraha Siyaad baa ka dhigay maata caanalehe

Abgaal oo mihiigaan ka badan jaraha loo miiqye
Mudanihii Gabayruu ka diley oo mar soo baxa'e
Waxay talo ku goosteen inay moxogga diidhaane

Habargidirta mudugjoota ee maashu wada soocday
Ee layska maamulanahayoo deyrka lagu meershey
Ee sida halah maydabta ah layska maalaayo

Iyaba mahadhada waa qabaan ceeb muggooda ahe
Murursade iyo Cayr iyo haddii Sacad la miireystay
Marna iney maya oran kareyn kama maleeneynin

Hadalka hayga moodina inaannu maaran waa nahaye
Sidaan maanta nahay yaan la oran laga milroonaaye
Maruunbaannu mowjada xirmiyo maayad soo kicine

Nabsigaan mugdiga gudahayaa maruun heleynaaye
Caruuraha maryaadaya iyo Dumarka mowleeyey
Maruunbaa marwada Maxamed qabo noqon masaalkoode

Maruunbaa mid lagu meel maro iyo maahir noo kiciye
Maruunbaa rag wada miiggan miiddi soo bixiye
Maruunbaa madhada Caabudwaaq miig ku soo degine

Ninkii tiisa maamulan karaa kuu muraad falahe
Magaalooyiyo lama martiyo lebiyo meygaage
Bal inaad idinku naga maarataan wax is moodsiiya

Afartaas intaan miin ka deyey meel ma qabadsiiyey
Ragbaa gabayga meermeeriyee marindhac maw diidey
Macna kale waa hadal yar aan meesha kala yeele

Maraweyntii reer Cumar ahayd meher xalaaleeye
Midguhuba ma yeeleen waxay madaxa saareene
Aw Muuse gabayguu marshaa meesha soo galaye

Waxba yaan micna la'aan xarago suuqa lay marine
Waxba yaan matoobi iyo shaal lay mardaadine
Waxba yaan dad mudan baannu nahay lay maqmaqashiine

Haddaad geel mulki ah leedohoo xero u maageerto
Mareerkiyo galoolkiyo haddey magacley daaqeyso
Oo kuraygu muraha u sidoo maraq u dheesaayo

Ninkii maagistaada iyo fidmada muhashadeed haysta
Haddii uu martabbadaadi hore sax u maleyn waayo?
Marka hore midbuu kaa qalaa muunad loo dhaline

Murre haddey dhadhami weydo iyo dacar la soo miiray
Oo uu raggii maali jiray soo mur bixi waayo
Muluf iyo haddey wada mohollibiin tuunsan

Doqontii maldahan hawga biqin maayal dirireede
Mar labaad rogaal weereraa lagu mayiiraa
Oo muqalladoodii rag kale garabka meershaa'e

Cabdulqaadir bay maraqsadeen maalin duhukiiye
Mishingaanku goortuu dardaray mahad ma moogeyne
Macaan dhereg la'yahay ceebtu waa meheraddiiniiye

Nimankii middida saaray baa meel la hurudeene
Ood waliba maamuus salaan ugu mihiibteene
Inaad diini magantiis tihiin idinma moodeyne

Dabadeedna muurmuursigii lagugu meydhaanye
Toban iyo toddoba madax ah oo uuskii laga maaxshey
Is maxamuudintiinaas xun baa loo makaabsadaye

Mahwigii xalwiyo laga tuur malawgi dheeraaye
Cirro inuusan meel roon ka dhalan waw makshuuf qabaye
Magac ba'aye Ciisaan lahaa way mitidayaane

Cismaankii is maahuurin jirey malihi beenowye
Haddii muran dhexmaro reer tolkood ways mutuxiyaane
Goortey shisheeyaha mutaan reer marti xumooyin

Raggi shaaribbada miiqi jirey waa makaan dumaye
Waa taad majeerteen yaryare nagu magacowdeene
Murti haddaad la haydeen wax tara lagu muquuneeye

Ibraahiinno milanbay qabaan mur iyo deeqaabe
Moortaayihii shalay ku dhacay lagu mahlaakeeye
Ulud dheer middii lagu dhiftay doc ula miiqmeene

Mottarkii shirshooruhu markuu kor u muquufaayey
Allaaba waa gargaar meel maraa ugu miciintaane
Goortii la mariyaa kalgacal wada maqsuudeene

Ninba maalinbaa loogu iman maxastadiisiiye
Qoladay markaas haysataa kaga maqnaateene
Xasidnimada maarowdey waydiin macaantahaye

Mahwiga Cali saleebaan haddaan mirar ka faaleeyo
Waa niman mallay inay gurtaan maanka kaga taalle

Waa niman aan ficil muujin karin maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun mira saruu dhaafay
Waa niman masaakiin yaryara lagu masaalaa

Waa niman micnaha ay wataan lala mashquulaa
Waa niman mucaarad iyo toos aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin miis rag leeyahaye

Malagii walaalkii nin jecel murugo waw kowe
Ragga lagu malkhadayaa waa mahurtadiinniiye
Maruun inaad is deydaan way kaa madowdahaye


Mataraariyaha lagu furaa keligood moodeene
Goorti mir iyo mayrac iyo malabsi loo laysto
Inaad adigu marax keyda tahay wayska moogtahaye

Muusiyo Ismaaciil bahdood kama masuugaane
Mar haddey makaabbada jebshaan maara laga waaye
Magli kugu dhegayey sidiis wax u maroorshaane

Marse haddan kor u qayliyoo mirar u yeeryeero
Moxorkii jeceeleed haddii firimbi mawleeyo
Haddii aan magaalada qandala oohin ku ag meero

Madaxyada walwaaleed haddii belo muluufaanto
Ceelkii mareegsane haddii qiiqu mulufleeyo
Marsabadiyo xeebaha haddii laysu mariwaayo

Maskantii haweenkiyo haddaan marashi dheer qaato
Madal laysu soo baxay haddaan muusanaw kiciyo
Waxaan maanka ku hayaa inuu maata doox dhicine

Annagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna
Oo caradu naga muuqataa mowqifkii imane
Eebbow waxaan maagganahay yaa maslixidoonna

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com