WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Kite(part 2)

Ibrahim Fiqi yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)

Part II


Kite Fiqi oo ay colaadi dhexmartay nimanka ay walaalaha yihiin ee Nuux ayaa waxaa dhacday colaad ka dhex aloosantay reer Daahir (HJ) iyo niman Ciise Muuse ah. Sida taariikhdu sheegto waxaa jirtey in nimanka reer Daahir siiba Cumar Daahir ay Dhawr jeer geelal ka dhaceen oo u awood sheegteen niman ciise muuse ah oo aan Aadan Ciise u malaynayo. Waagii danbe ayaa sidii caadadu u ahayd Reer Daahir duullaan ku soo kiciyey nimankii ay ishaaqsadeen ee Ciise Muuse. Markii colkii laga war helay ayaa Geeddiga hoosta laga raray oo dumarii la faray inay reeraha raraan ayadoo lagu eeranayo oo gabbaad laga dhiganayo Buurta. Iyadoo awrtii dumarkii rarayaan, raggiina ka sii horreeyo oo xoolihii qaxinayaan ayaa gabadh dumarkii u dhaxay Ciise Muuse awrkiina raraysaa ku geeraartay ayadoo awrka la hadlaysa:

Ma isqaawintaydaa
loo qoodhaweynaa.

Nin waxgarad ahaa oo laga danbayn jirey baa ku xila furay inaan awr danbe la rarin oo ragga la iska dhiciyo. Ciise Muus eintay nimankii Cumar Daahir u jilib dhigeen bay wadheen Carris la yidhaahdo Rista Looya. Firdhadkii Cumar Daahir baa gacmo madhan iyo guuldarro la soo gurya noqday. Yaan hiil ka doonnaa?yaa cudud ina dhaama oo inoo hiilin? ayaa talo istaagtay. Kite Fiqi ayaa nin nimankii la jebshey ka mid ahi u yimi isagoo geeraarkan tirinaya.
  Raggii door ka dhammaa
Geeli duubi kaxayste
Dadka yaanu xignaa
Daahir yuu la dhashay
Ayaa duudda Jibriila
Kitena mayga danraacday


Kite oo ay taabatay arrintaas ayaa col dumay oo ku saaray Ciise Muuse. Waxaa Duulay ciidan lixaad leh oo socday illaa Makaahiilka Sacad Muuse ee Hadda Bulaxaar iyo agagaarkeeda dega waagaase ka sokeeyey oo agagaarka Berbera degganaa. Nimankii uu u ciil qabay waa la waayey oo buurta ayay miciin moodeen. Wuxuu galay qoloyin ay ka mid yihiin Makaahiilka aan kor ku soo sheegnay. Iyagoo aan ogeyn sababta loo galay iyo waxay galabsadeen ayaa nin ka mid ahi yidhi waar maxaa ina dhexmarayoo aad sidaan u yeesheeen. Kite Fiqi oo xasuusinaya godobta jiifta habar Awal ayaa geeraar ku yidhi (Ma dhamma):

Nimankii Cadcaddaa
Ee Cumar Daahir ahaa
Carriskii Rista-Looya

Cidladii aad ku wadheen
Iyo cooddidaad jarateen
Cidna waysu xignaa
Cafinna maayo wallee

Ciddii Muuse Jibriil iyo
Aadan Ciise la waaye
Ma makaahiil ciddi dheeraan
Ku calaalugey maanta.

Makaahiil ciddi-dheerow
Colna kuuma an keenin
Cuudna kaama kaxaysan
Cidna kaama an layne

Sengeyaal calasoobeyoo
Dhidid-caalle ku raagaan
Cartankii ka ba'shee
ma cidbaan wax u eystey.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com