WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Kite Fiqi(Part3)

Ibraahim Fiqi Yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)


Part 3

DILKII GEELLE GAROOMEED.

Taxanihii KITE fiqi bal aan sii wadno. Kite waakuwii colloobey walaalahooda NUUX, waatii Reer Daahir(HJ) iyo Ciise Muuse isku galeen meesha la yidhaahdo Rista-Looya. Waatii Kite u hiiliyey Reer Daahir ee uga hiishey Ciise Muuse. Qaybtan saddexaadna waxay ku saabsan tahay Kite oo u Hiilinaya Ciise Muuse oo uga hiilinaya DHulbahante.
Nin Abbaanduule ahaa oo la Odhan jirey Geelle Garoomeed oo Ciise Muuse ahaa iyo rag uu wato oo geel doona ayaa intay Habar Jeclo soo dhex mareen Dhulbahante galay. Dhowr jeer oo hore ayuu Geelle ku liibaanay duullaamo kuwaas la mid ah oo uu Dhulbahante xoolo uga dhacay.
Libtu maalinba nin bay raacdaaye duullaankii ugu danbeeyey Geelle iyo ciidankiisii waa lagu jebiyey isagiinna waa lagu diley.

Kite Fiqi oo markaas Xeeb iyo Guban jirey ayaa warkii soo gaadhay. Kite waxaa nimankii warka sidey u sheegeen Afarey uu tirshey nin la odhan jirey Samatar Rogane oo ka mid ah nimankii dhulbahante ee laayey Geelle iyo ciidankiisa kaasoo ay ka mid ahaayeen;

Wallee reer Isaaq kama bogsado burunjidii Geelle
Wallee baaba'aan maanta baday beerku ledimaayo
Boqol sano wallee sooma dego banankan Tuur-Uuska

Kite gabaygaa intuu ka xanaaqay ayuu col humay.Wuxuu yidhi Kite

Inkastuu is gumeysto
Ama uu is garaaco
Isaaq guudka sareeto
Aniga iiga gudboone
Haddaanan Geelle u aarin
Oo warmahayga guduudin
Duul gumaan ka dhashay.


Dhulbahante colaadi ma dhex ool Kite jilibkiisa isla markaana way dhaleen. Dhulbahante ma filayn in kite oo ay dhaleen Ciise Muuse uga hiilin doono. Kite oo dareensan arintaas ayaa habeenkii la dul fadhiyey oosha la gebagabaynayey ayaa colkiisii faray inay yidhaahdaan WAR YAA GEELLE GAROOMMEED LAHAAYEEY, si loo garto halka ay ka duulayaan iyo ujeedada weerarkooda.
Waxa kale oo Kite faray colkiisii SOocane in ninkii ay magliga marshaanba yidhaahdaan AAR GEELLE.
Kite waa libeystey xoolo aad u badanna waa soo qaaday, 62 nin oo DhayLiqe oo abbaanduule caana ahaa ku jirana haadka ayay u wadheen.
Xoolihii uu qaaday wuxu lix habeen ku hayey CEELDHAAB, laba iyo toban habeenna Caynaba ayay dul joogtey. Markii xoolihii Dhulbahante ka daba iman waayey ayuu yidhi.

Ceeldhaab lalabihii haddaan lix ugu hoynaayey
Caynaba haddaan labiyo toban uga ladaabsiiyey
Dadku kala lafweynsane hadaan laayey Hagar Aadan
Oon Xaga-Garaad kula legdamay libin miyay seegtay

Lixkun iyo lag mooyee haddaan guluf ku leexeeyo
Senge laqana mooyee haddaan lugo ku soo duulo
Lufankiinna soo hadhay haddaan Laasane u daayo
Lafta Muuse kama dhalan haddaan garanta kaa laabo


Kite Fiqi (Alla ha u naxariistee) oo xoolihii uu gacanta ku dhigay faraskiisii dhexmarinaya ayaa haddana geeraaray oo yidhi;

Geelan baatirta weyn
Badankiisa la yaabay
Nirgii boodhka hurdaan
Nugaal hoose ku beermay
Candhadiisa Bullaasiyo
Burca taagan la moodo
Inteeroo boqollaalahoo
Balanbeelyo darmaana
Oo sida Biinta u duushoon
Bahday maanta u haysto
Boodow kaa celin maayo

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com