KITE FIQI (1800 - 1860)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
 
Kite Fiqi (HJ)
 
Gabaygan wuxu Kite ka tiriyey dagaal dhex maray reerkiisa iyo Ciise Muuse oo waagaas cid walboo cudud is biddayba canka gashaday. Gabaygan ma hubno inuu tiriyey markii uu Cumar Daahir u hiilinayey iyo inkale waxase gabayga naga soo gaadhay
 
Ogaadeenka Doollood marbay, col u dareersheene
Nuux wuxu dagaal qabay, marbay dumar ka yeeleene
Habar Yoonis duunkeed, marbay wada dullaysteene
Annagana digtii hore, marbay nagu dabreeyeene
Dooxada Dagaareed marbay, dega yidhaahdeene
Rabbigaybaa ka diidee, marbay dunida qaateene.
 
 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com