WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Kulan Xasan "Jurun" (HG)

Ma haysaa gabayadii Abwaankii weynaa ee Kulan Xasan Jurun? Fadlan noo soo tebi wixii aad suugaan ka hayso abwaankan iyo abwaannada kale ee reer Koonfureed.

kaxda gaalkacyood maalintii uumiyuhu kooday
kufri iyo islaam maalintii leysu wada keenay
harti koombe iyo maalintii karanle loo joogay

kumusaariyihu maalintuuu uunka isu keenay
makalaami waayeen hadaan anoon kado isareene
kobta Faarax shuuriye indhaha kabad masarteene

wixii Eebbahey kugu katibay iguma keeneene
kartatooyo baan ridilahaa kicisa baaruude
kududaa horaan dili lahaa kun iyo dheeraade

kulan dheere iyo Nuure Kebed weykusoo kari
kooybey ku oran sidii dameer kaalin loodhigaye
kalab yahow adoo kale afkaa laga kobeeyaaye


------------
Gabaygan oo ah mid Halxiraale ah ma hubno in cidi furtay. Fadlan soo dhammaystir gabayga haddaad hayso.

Cirkoo guuri ciiddoo god galin, dhagaxyadoo goohin
Geeriyoon wax dilin oo ninkii, go'a u ooyaysa
Qorraxdoo xanuun laga guboo, garab ka taahaysa

Biyahoo harraad gubahayoo, gal u arooraaya
Dumarkoo gar naqin iyo raggoo, guudka feerahaya
Gud iyo yicib galool iyo maraa, geedo tiro gaaray

Oon samada guudkeeda jirin, ciiddana aan gaarin
Nin cibaado gaariyo ninkii, gabay ahow sheega
Haddii kale anaa garanayee, soo gadaal celiya!

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com