WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Kulan Xasan Cilmi (HAbar Gidir)

Laba beelood oo reer Mudug ah (HG &MJ) ayaa is maandhaaf ka dhex dhashay taasoo keentay, sida caadada ahaan jirtey, in Afmaallada labada beelood ay murti ay wixii dhacay kaga warramayaan ay is weydaarsadaan.

Beelaha Habar Gidir oo markii hore la dhacay ayaa meersaday geel niman Daaroodi lahaayeen ka dibna nimankii geela laga dhacay nin ka mid ah oo Faarax Kawte la yidhaahdo ayaa yidhi;
  Rag ciraableh baa lagu ogaa laba cadceedoode
Cayroow calafki aad boobtay iyo curaddadaad laysay
Qaalmaha cuddoon waxa lahaa reer Cigaal Qalafe
Haddaan cududda Daarood la jebin waa lagaa celine


Kulan Xasan Cilmi "Jurun" ayaa tirshey gabay uu ugu sheegayo nimanka daarood inaysan calaacalin markii geelooda la meersaday sannadkii kaa ka horreyey;

Dhirbaaxadi shalay laygu dhigay maan la dheelliyine
Dhawaaq Cabasho layguma maqlin iyo dhaqanka ceebeede
Maantii warmaha laysla dhacay ee dhiiggu qubanaayey

Dhafandhaafka dirireed haddii aan baro ku dheereeyey
Dhaartaadu way dhimantahay ee wixii dhacay an faalleeyo
Geelii lagaa dhacay kal hore dhawr an ka idhaahdo

Kunbaa dhalay, kunbaa haatan dhali, kumanna waa dhayse
Kun kaloo wax lagu dhaansadaa dhabar madooba ahe
Dhambaal kale wixii lagugu dhigay aan dhuuxa ka caddeeyo

Kun nimoon lagana dhaaranayn oon mag laga dhiibin
Oo aadan ka dhiidhiyin dhood wax kuma yaale
Dheelaas raggii diley ma bixin dhaashi gebareede

Ragga Weyrax dhacadiidiyaan dhaxal wadaagnaaye
Muslin dhaqan Waraabana ka dhereg Dhimashadoodiiye
Afka dhaabo hadal xumadu waa taad u dhimateene

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com