SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  GUBA

Maxamed Cumar Dage, (Ogaden)

Waayadanba gabaygii dacmiyey dahabku saarraaye
Xaluunbaa dabayshiyo Insigu wax igu daareene
Abtirsiinyo waa dacar jin oo waan damqanayaaye

Dalkii nimanka tegeyoow farriin dawga qabadsiiya
Dadka kale ha joogee warkaa Cali dareensiiya
Deelqaafku waa ba'an yahee daacad ugu sheega

Doqonkii la guubaabin jirey dib u guhaadoo dheh
Ogaadeen Dannood iyo Dig iyo durugsey ceelkii dheh
Iiddoor dallaalimo ka waa Doollo iyo Ciid dheh

Daratoole iyo Faafanbuu daakhilkii yahay dheh
Deegaanta Eregeedna waa degel Makaahiil dheh
Deris niman ku jooginiba waa daaqi Xodayood dheh

Daahyaale loo aar colkaad nagu damqayseen dheh
Dagaagoodu waa tuu tubnaa daarihii Herer dheh
Haddaan gaalku noo dilin Isaaq Deleb ma maaleen dheh

Majeerteenna dirirtii dhaweyd duni u siirree dheh
Daandaansigii reer Islaan nacab u daadduun dheh
Nin dakano ka haysooy arkaan shalay ma daayeen dheh

Daaroodka kale waa hayaa ficil dagaalkiise
Dacalkii Garaad Faaraxbaa daad ka soo galay dheh
Demeni iyo baqdini waa miday dir u lahaayeene

Darxumoode nimankii fadhiyey dadab Nugaaleede
Dulligaa Dhulbahantoow qabtaan Dooyna laga sheeg dheh
Halkii Xaajigii lagu deldelay kama danbaysaan dheh

Sidii Xaw laxdiisii dubtaad ugu dul meertaan dheh
Arladuu dangiige u ahaa lagu dabayshoo dheh
Isagu Aakhiruu degey Ilaah deeqi haw furo'e

Maxilaha dumaasha u hadhay dacari haysaaye
Agoomaha ilmada duugayiyo dumarka ooyaaya
Dawlaabta naaga xidhay iyo duubcadkiyo weerka

Kuma diilalyoodaan kuway dir u wadaageen dheh
Dabka iyo magliga waa sitaan la isku dooxaaye
Ma dad yara'e Eebaw xugmiyey inay dulloobaane

Hadday fara wax daawaynayaan duud dhanbaa hadhiye
Digta kama jalaadeen hadday dirir ku quustaane
Dulligay ku raaliga noqdeen lalama doonayne

Ku dikade dilkii Ina Cammey daayinbaa jira'e
Damqan maayo reer Faarixii damaca waallaaye
Axmed Cigena duugoow haddaan lagu danbaabayne

Ararsame dagaal kuma jiroo daacad waa noqoy dheh
Cali Gerina waayadan ka dawr dil iyo laystaan dheh
Allow deyey nimaan diin lahayn oo dariiqa ah dheh

Deynkoodu Habar Yoonis waa lagama doontaan dheh
Duur-seexadkii Muusayaal waa ku duudsamay dheh
Niman aar ku deeqiyo qabiil dagani waa muushe

Odayaal mushaha loo diriyo qayrkibaa dihine
Dab nin keliya oo shida miyaa duulka laga waayey

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com