SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  GUBA

Maxamed Cumar Dage, (Ogaden)

Maxamed Cumar Dage oo la sheego inuu dhashay waagii Cali Dhuux tixanaha GUBA bilaabay ee dhaleeceeyey Ogaaden ayaa gabaygan tirshey. Wuxu Maxamed daba socdey hadalkii Cali Dhuux isagoo tilmaamaya debecsanaanta ka muuqatay qoyska Cali ka dhashay isla markaana ku taamaya libin uu sheegay inay Ogaadeen u soo hoyatey. Gabaygaan wuxuu ka mid yahay dhowr gabay oo Maxamed Cali u diray isagoo guubaabinaya.
Wuxu yidhi M.C.Dage;

Ha'da maanso hooyaale gabay halalka geeraarka
Indhaweydba Habbane Faaraxow hab uma luuqayne
Huqda wax igu reebaan arkoo waan henganayaaye

Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq holaci loo geystay
Kuwa hilinka Bari qaadayow hal iga gaarsiiya
Raggaad hurisay hiidii ma dayn haatan ka horrow e

Isaaq waxaan la daba heetinaa heenso godobeed dheh
Anigoo hamuun qaba waxaan halawda dhawraaba
La hubsaday hoggaankii nabsigu hiil u soo wadaye

Ogaadeen xaqii laga hayiyo saani buu helay dheh
Hurre wuxuu gambiyay hayb dhan oon hali u soofayn dheh
Togga huran hundaha Ceeriseed harada Gaaroodi

Haaruun Maxaaddaad halkuu halab ku beeraayay
Hogga Buduxo hoosada dantiyo Halable meeshisa
Heeshiga Wardheer iyo Dannood Harafsan guudkeeda

Hiyigii ku beenow inatay ugu hawoodeen dheh
Gabagabo kobaan lagu hantiyin heelka laga waa dheh
Hootada waxaa lagu hanfaday dhagaxi Haarweyn dheh

Kuwii dalagga lagu hiifayaa Heemo saanyaday dheh
Waa tay Berbera haybsadeen habaqlahoodii dheh
Idinkaa dalkiinii u huray Habar-Xabuusheed dheh

Hambo raacin mooyee horaad uga hagaagteen dheh
Garaad Faarax goortay hojeen haatan ma ahayn dheh
Hanan weyde ceelkii Badweyn haradi Ceel-dhaabe

Ka huleeshe heelkii dhexiyo haatan Caynaba e
Nimaan Habar-jecliyo Muusayaal ugu hagaagaynin
Inuu dhagaxa hoos uga dagaa haniyan weeyaane

Nimankii Nugaalba hantiyee hurinta loo waayay
Iyagaan u hawlgelin kuwii habacsadee qaatay
Maantay halyaygii dileen Hagar u noolaa dheh

Habwanaagsanow Ina-Camey halanqihii moosh dheh
Haad iyo waraabaa qabsaday halabki dheeraa dheh
Waxaa haanka loo jaray inaan hali u diidayn dheh

Dadku kala hannaan quruxsan oo haybad kala roone
Haldhaa kacay la moodyow markuu hab u taxaashaayay
Haashaashka laafyaha markuu hagac ka siiinaayay

Hanqarikiyo harreedkiyo garkiyo qalabka heemaalka
Iyo hurin-ka-roonow ninkaa haybad lagu haystay
Haq waxaan idhaahdaa markay igu hanqaaraane

Hab hadday martidu soo tiraa heelka gurigiisa
Hilbo noo qalyaa iyo xumbada hallab na siiyaaba
Anfacada haddii laga hagbado huri ogaantiisa

Had iyo jeer fagaaraha marki la hindisoonaayo
Nin xun baa wax habayaaqiyoo haatiyoo dila e
Arrinkii qabiilku u hugmaan heli ogaantiisa

Hindisaha ka doodka ah markii la hanjaboonaayo
Meeshii sarbeeb lagu hayaan had iyo khoof joogin
Majliskuu ka haasaawi jiray hadal macaankiisa

Halaakada Colaadeed markii la isku hiifaayo
Hayaay iyo Hayaay maalintii la iskyu haaraamo
Fulay baa habaarane naftii hibada loo yeelay

Nin xigaalki soo haybiyoo gacalki hoomaajay
Heensaha gamaan lagu heliyo hal iyo awrkeeda
Bakhayl lagama haagee ninkii hagar la'aantiisa

Intaasoo halyaygii lahaa hadiba maayaane
Anuun baw hilloobaye tokii uma hadaaqaane
Hamban maayo Reer Faaraxoo wuu hundhrayaaye

Allaylehe halaag baa ku dhacay hebelladoodiye
Shirshoorihiyo waa habacsan yahay Khalid Habarwaaye
Is hoogaamin mooyee arrini waa ka hurruddaaye

Haasasahoodaan ka garan inay hungoobeene
Waa laysku huguguulayaa haybta guudnimo e
Hilbaa lagu hirtaa maalintay hadi timaaddaaye

Maxilaan harraad kulul galayn hoobi dirireede
Caydiid inuu waran la helo lagu hankaagaaye
Bah Ugaar hilow kuma jiriyo nimay haleelaane

Hiyigiisu Reer Maxamed waa geel hawadintiise
Hadhow bay nimaan horor ahayn Hebel yiraahdaane
Habci maayo oo Ina-si-arag habar ka liitee e

Halaraacid mooyee si kale looma haabsado e
Hankii Cali Durraan lagu ogaa hadalki beenowye
Wuxuu Ina baxnaan haybsadaa malaha Hiiraane

Hadduu haybad leeyahay arlada wuu ka haayiriye
Allay lehe habkay gobi lahayd hure wanaagiiye
Illeen hurin dhan lama goobo oo gabay halkoodiiye
Haadaa qabiil nimaan ahaan habar wax yeelaynin

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com