WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Xiin-Finiin

Maxamed Cabdulle Xasan, (OG)

Xayow Faaraxow hadal rag waa loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan lay xistiyihayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada haddaad xoolo iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa xawd u sii mariye
Markaad Xiin Finiin damacday baan kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa lagu xujoobaaye
Waxaan kugu xutubiyaaba waa xuuradaan nahaye
Nin kalaan xafiilaba adaan xaayda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu xidid i weydiisto
Xayow iyo qayuumeey haddii la igu xoodaansho
Xubigayga kuma hayn inaan xiisow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone
Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa Gammaan xulashadiisiye

Xubna toosanlow neefku waa xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa xiisa ii qabanne
Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa xoogsi ugu fuule
Isagaan xatooyada lahaa xuurta ugu looge
Xiniinyaha ku goo baan lahaa gaalka xaylka lehe

Xayskaa da'aayaan lahaa Xallin ka dooyeeye
Xaqaygii maqnaa baan lahaa xag ugu raacdeeye
Meesha iyo xeebtaan lahaa xiito ka eryoode

Xujey-reebta reer Hagar anaan xabashyadii ruubin
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan lagu xaraaraysan
Xaaqaamaquuqiyo haddaan xaaluf laga yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan xaaladday bogane
Xaaraami uun baa arlada xula abiidkiise
Aniguna xogtaydaan ka baqi inay xumeeyaane

Xashaa-liillahiye nin goba xamasho waw ceebe
Intii aniga lay xaman lahaa xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad xadhigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftey kala xaroodaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale kuma xushmeeyeene.
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com