SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Miyi&Magaalo

Gabaygan oo aanu na soo gaadhin ninka curiyey wuxu ka hadlayaa kaftan ku saabsan dhaqanka miyiga iyo kan magaalada.

Kii reer magaalka ahaa oo jareexaynaya ninkii xoola dhaqatada ahaa baa yiri;l

Wallee daacufloow reer miyaan docna garanaynin
Dablashiday aroortii haduu daamanka isdhaafsho
Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye
Hadii roob ilaah shubo oo duni barwaaqowdo
Oo doobi caanaha riyaha looga dalafsiiyo
Oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo
Isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye


Ninkii reer miyiga ahaa oo saluugsan dhaqanka reer magaalka ayaa u celiyey;

Dununucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo
Dayn qaate meeshii nin ragi debec ka maalaayo
Duryan xume markuu deeqo buu dunida hiifaaye
Diintiyo wuxuu caayayaa Eebbe daa'in ahe
Dacwad aan la garanayn iyo dafasa baas sheegte
Waxaa daw dara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga


 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com