|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
 

Muuse Aaye Faarax
Deymo
Gabaygani wuxuu ka hadlayaa isbedelka siyaasadeed ee lasoo gudboonaaday Somaliland markii uu Madaxweynihii geeriyooday, Ilaahay haw naxariistee. Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in nidaamkii uu marxuumku ka tegey dalka geyeysiiyey in durbadiiba maamul la dhiso Ilaah mahadi ha ka gaadhee.

Marxuumkii dalkaa wuxuu ka tegay Dawlad kaamil ah'e.
Haddii aanu distoorka samayn Waa is-dililayne.
Ninkastaa ha diidee markaan Daacad u hadlaayo,
Dadka waxaynu dheerayn isaga Dir iyo Daaroodde.

Darbigii ma ciirine dhakhsaa Ugu dadaasheene.
Degdegga iyo sidaa wax u dhisteen Waa la diirsadaye.
Moorada dushaa sare jirtiyo Dirirka oon eegay
Dayaxoo godkiisii helaan doorkan Ku arkaaye,

Haddii aan dar baas kala dhex kicin Doorashada foodka
Afrikaanba way wada dul mari Sida darruuraha'e
Degmo nabad qabtiyo wada-jirbaa Lagu dan gaadhaaye
Dabkaa Xamar qabsaday waa qabiil Laysku door ridye

Digtoonaada weligiin ayaan Laysku kiin dirine
Nin qaxootigii daalacdaa Uma duceeyeene
Alle ha isku diro Koonfuri Way deris xumaayeene
Dadku midhbuu u wada guuxaybay Duqan ka sheegeene

Dambi iyo run miduu yahay Allaha Daayinaa oge
Rag yaroo danaystaa jiree inuu La daawaysto
Iyo inuu dawayn karo arlada Daahirna aan eegno.
 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com