Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
Nuur Suldaan Faarax (Nuur Taye) "Ciidagale"
 

Gabaygan waxa tiriyey Nuur Suldaan Faarax oo ku magac dheer Nuur Taye ragna ku sheegaan Nuurdhagacun (Nuur Ducaale Suldaan) qiyaastii 1904. Waxa nagu maqaale ah in Ducaale Suldaan, Nuur oo yar hooyadii dumaalay oo Nuur Faarax(Nuur Taye) ku soo hoos koray ardaaga Ducaale, halka walaalkii suldaan Xasan Suldaan Faarax ahaa nin weyn oo markaas saldanada odayga Ducaale ka maroorsaday. Waxa kale oo inagu maqal ah in gabayo badan is dhaafsadeen Ducaale Suldaan iyo Nuur Taye marku koray oo ku salaysan saldanada ooy ku aaneeyeen inu odaygu oo adeerkood ah ka maroojistay Xasan oo xaq u lahaa saldanada waa gartii Xasan iyo Nuure Taye.

Gabaygan wuxu abwaanku tiriyay mar ay Daaroodku qabteen niman Ciidagale ah oo reer Guleed ah gabaygan guubaabada iyo tashiga ahna ka mariyey goob tolkii iskugu yimi oo arintaas lagaga hadlaayey.Wuxu Yidhi Nuur Taye Ilaahay haw naxariistee sidatan:

1. Gartan murugtay xaajadan malmalan, miimamka adkaaday
2. Shir mutaystay waayeel ambaday, madaxyoweyn duushay
3. Kol hadii majliskii Isaaq, ragi isku maandhaafay
4. Miyaanay godobtu wey muuqataaye, nala malayneynin?

5. Ragan deyrka lagu meeriyey, ee lagu muftaaxaayo
6. Ee madaxda Guulleed Suldaan, miidha laga soocay
7. Miyaanay godobtu wey muuqataaye, nala malayneynin?

8. Maadhiinka nimankii sitee, madhiyey Daaroodka
9. Nimankii maryaha dhiiga le iyo madafta hoynaayey
10. Meeshii maqaafaa le hadduu madaxa saraayo
11. Militariga xooga leh kuwii, ayda marinaayey
12. Kol hadii sidaa loo mudo, galawgu meeraayo
13. Naftaan maagay mawdkaan ka baqay, nolol kalaa muuqan?
14. Maxaad aniga i tari maxaa magac ah een dhaaffsan

15. Inaan marada labalaab hurdada, maadsin ugu jeexo
16. Oon maqasha adhiga u dhigdhigo, mayayga oo hooray
17. Oon weliba waxan maaganaa meel iskaga tuuro

18. Iyo inaan magligan reemaya iyo murammigaw qaato
19. Mas wax kora sidiisi innan-rag, micida nooleeyo
20. Oo sida maroodiga cartama meeshaba aan goosto

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com