SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Oomar Nuur( HA)

Oomaar Nuur waxuu ahaa Ilaahay ha u naxariiste gabayaa maansada astaamaheeda ruugay oo u laha aqoon badan, kana yaabiyay gabayaagii waqtigiisi noola oo ay ka mid ahaayeen Raage Ogaas. Ragge Ugaas ayaa gabay soo tiriyay markii uu maqlay gabay uu Oomaar Nuur tiriyay isaga oo la dhacsan midhaha uu Oomar isticmaalay "maroodiga duqooba wabuu dul uuga meeraaye".
Raage wuxuu yidhi:

Gabay inaan wada hantaan moodayee halal miyaa i seegay
Reer Maaxa heel yaal miyaa miimka ka higaadshay


Gabaygii Oomaar Nuur oo aanan wada hayn waa kan:

Dagaal iyo belo ayaa reer Gadiid loogu dawgalaye
Xuseen iyo dirkiisaan arrini dib uugu laabnayne
Reer Diiriye iyo Xaajiga ayaan dirir aloosayne

Hadduu adhi dalaandalinayaa dumar la moodkiiye
Qabiilkaan dugso lahaa sidii deero kala yaacye
Deegaan ma raacine baqay dib ugu jiiteene

Waxa se ii dana Bulaalow anoo duqa ku siistaaye
Maroodiga duqoobaa wabuu dul uga meeraaye
Adigiyo Cismaan baan dayaye waan durki lahaaye
Doy kama sokeeyeen haddaan dacalka lay hayne

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com