WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
    Qaaje Balas (HJ)

Qaaje Balas oo aanu magaciisa dhabta ahi na soo gaadhin wuxuu ahaa abwaan weyn oo aad murtidiisa loo xiiseeyo. Gabaygan soo socda wuxu tirshey ka dib markii laba jifo oo Dhulbahante ah ay aano kala gaadhay. Isagoo la hadlaya qoladii laga bursaday ayuu yidhi isagoo ku halqabsanaya Bile Waal oo reerka ragga laga dilay u dhasha;

Barooddada Hasha ah maanigaa bixitinkuu diidey
Maanaa Biloow aabahaa bururshey dhiiggiisa
Baaruudda maanaa la dhacay baraha reer Jaamac

Biligooda maanaa lahaa boqol ma gaadhaane
Ugaadhyahanka baqay maanigaa wada belaayeeyey
Baabuurta maanaa u diray baraha Nairoobi

Berbera maanigaa tegey warkii lagaga baanaayey
Boosaaso maanaa ka shaxay Beden intaan raacay
Bari iyo Galbeed maanigaa Buugga maray qaaday


Kolkii gabaygaasi gaadhey nimankii laga itaal roonaaday ayay duullaan humeen oo dhawr nin oo Jaamac Siyaad ah dileen. Qaaje Balas gabaygii buu u noqday isagoo Ugaadhyahan u sheegaya inay ku cadho burbureen jilib aan tiro iyo tayo lahayn oo ay naftooda kala baqeen raggii dhiiggooda daadshey;

Caano iyo baruur baa nin raga caafimaad tara'e
Caatada Riyaha lama qasho iyo Cawlka joogsadaye
Ceesaan nin loogaa war ma leh ceebna waw halise
Cadday lagama goyn reerihii calanku saarraaye
Cidba maaha Reer Kooshinkaad cagagsanaysaane
Haddaad Caabbi shalay toogataan idinma cayneene
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com