Adduun gaban ah ubad wada habla ah, oori kululaatay
Waa waxaan sidaa ula engagay, urugadoodiiye
Ilma-adeeradaaa geela way, igu ag maalaane   
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
    Xamdu Mahad

Xasan Gabay (HJ)


Xasan Gabay  wuxuu ahaa abwaan weyn oo aad murtidiisa loo xiiseeyo. Gabaygan soo socda oo aan dhammayn wuxu abwaanku u diray wiil uu dhalay oo qurbaha ku maqnaa waagaas. Xasan oo sabaan xumi helay wuxu u yeedhay wiil wax qori jirey oo uu ka dalbaday inuu waxa uu u meeriyo uu qalinka ku duugo si uu ugu dawiyo wiilkiisa oo uu daryeel xumo kaga cawday;

Adduun gaban ah ubad wada habla ah, oori kululaatay
Waa waxaan sidaa ula engagay, urugadoodiiye
Ilma-adeeradaaa geela way, igu ag maalaane
Ayaantii kastaba boostadaanm ku ag wareegaaye
Haddaan aradka gaalada fadhiyo, kuma ilaaweene
Haddaan aabahaa ahay maxaad, ii anfici weday


Wiilkii markuu gabaygii helay ayuu aabihiis hanti xoog leh u soo diray. Xasan markii uu dhiishii fakhriga dhigay ayuu waraaq kale oo gabay xanbaarsan u diray wiilkiisii isagoo ay erayadiisii ka mid ahaayeen;

Xamdu mahad Allaa igu xawilay weled xalaaleede
Xamdu mahad anaan xoogsan baan xaynka buuxsadaye
Xamdu mahad sidii Xaakimmada la igu soo xoonye
Xamdu mahad xigaal iyo tol iyo xidid haddaan yeeshay

Note: Gabaygan oo aannu hore ugu tiirinnay Qaaje Balas waxa leh Xasan Gabay. Gabayga abwaan kale oo Faarax Daad la yidhaahdana  waa lagu sheegaa balse waxan ka xaqiijinnay rag badan oo suugaanta taariikhdeeda yaqaan kuwaasoo caddeeyey in gabayga Xasan lee yahay.

Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com