Qaaje Gurey

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
   

Qaaje Gurey (Maxamed Abokor Ismaaciil)"HJ"


Qaaje Gurey ,Alla ha u naxariistee, wuxu ka mid ahaa odayadii iyo abwaannadii Habar Jeclada ugu waaweynaa badhtamihii iyo dabayaaqadii qarnigii 19aad. Qaaje wuxu lahaa gabayo iyo murti badan oo ay ka mid tahay dardaaran uu siiyey nin malaha inuu la taliyo ka dalbaday ayna ka mid ahayd:

Tanna laga teg aakhirona waa, loo tabcanayaaye
Ninkii talo i weydiinayoow, toobadda ha seegin


Xilli ku aaddan badhtamihii ama dabayaaqadii 1880-meeyadii ayaa Qaaji Gurey tolkiis u sheegay inuu goaansaday inuu Xajka tago. Rag badan oo wax garad iyo waayeelba leh bay ku adkaatay tegidda xaajiga oo ahaa ninka talada reerka goynteeda aan looga maarmi jirin. Rag badan baa dareemeen in Qaaje oo nin aad u da'weyn ahaa ay noqonayso markii ugu danbeysey ee ay arkaan. Qaaje ilaahay ha ka aqballee markuu soo xajiyey ma soo noqonne wuu xijaabtay. Gabayga aannu intan yar ka haynaa waa mid uu tolkiis ugu soo bandhigayey inay ka go'an tahay inuu Xajka soo guto oo aakhiradiisa u tabcado talada Aadan Madoobena ay nin kale u egmadaan.

Maka iyo Maddiinuu qalbigu, ila mushaaxaaye
Denbi igu malaasobeybaan, maydh is leeyahaye
Muska kama tallaabsado, ushaan mariyo mooyaane

Majaraha intaan soconayay, maqashu gaadhaaye
Mayal-qabad haddii aan ahaa, moora doorsamaye
Mas gaboobey meel kama kacoo, maaro ii timiye

Maankaa wax laga fiiriyaa, maqan da'daydiiye
Masallaha gaboobaan ahoon, meged i saarrayne
Timihii madoobaa hadday, man u ekaadeene
Maxaad igaga maawelisaan, macawis duugowdey

 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com