WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Abaal Ciise

Axmed Ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1989.


Wuxu abwaanku u tirshey beesha ciisaha oo gabayo taageero ah u soo diray walaalahooda Isaaq waagii colaadda ay kula jireen Regime-kii Afweyne aabaha u ahaa.
  1. Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasidoe
2. Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene
3. Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye

4. Xidhiidhkaa tolnimadaa lehiyo xeerka Saadadae
5. Xigto niman lahayn cadawgu waa xubin wareemaaye
6. Xamdu mahad Isaaqoo dhanbay xiisa geliyeene

7. Xiis iyo Jaboutaysku xidhan xeebti dhererayde
8. (Xerudhalanku) feedha isa saar xawli dhiidhiyaye
9. Xammeetidii dhextiil labada reer xididka loo saarye

10. Xinjirtii madoobeyd la tuur xadantadeediiye
11. (zzzzzz) ka guur degalladuu xaadir ku ahaaye
12. Xin-kunoolihii HabarCafaan xuurta la cunsiiye

13. Samaroon Xantiyo beenta iyo xaasidkii jebiye
14. Hadduunaby xaglaha kula dheceen Xabis kelysnaaye
15. Waatay xumeeyeen dadkay ku xadfanaayeene

16. Xidid iyo degaan may hanbayn xeerna may dhiganne
17. Xabashidana waatay wax badan ka xajarnaayeene
18. Xuduudaha siday uga gudbaan waa xisaab adage

19. Xor haddii ad tahay dunida waa la xusladeeyaaye
20. Xigmad li'idu waa waxa ka dhigay xoola baadiyahe
21. Hadday xago bannaan tuban yihiin xuunshanaytiduye

22. Xirribaha ha duugeen indhihii wada xayuugnaaye
23. Xero maleh Afweyniyo kuway u xusul duubeene
24. Rag kalaa xukuma goboladii Xamarna waa foole
25. Xaggeebay u kici Gedona waa xarun ugaadeene

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com