WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Seben

Axmed ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1974.


Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey markii Afweyne ku dhawaaqay wuxuu ugu yeedhay sinnaanta ragga iyo haweenka.
  1. Eeylo iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene
2. Seetada ha ii gaabiyeen sabab la'aaneede
3. Seeddiyo boqnaha hay jareen sab iyo laangaabe

4. Sanqadhyari ha ii dilo Tumaal siiqya looshadaye
5. Sanka hayga mudo inangumeed loo sarrayn jiraye
6. Sawaab iyo Midgaan Guulwadii ha i sudhnaadeene

7. Hadba hay saloosheen sidii geedka saarka ahe
8. Ilaahbaa sidaa noo gartee ha i sadqeeyeene
9. Anagiyo Saleebaanadii waa na sidataaye

10. Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahayde
11. Habar Gidir sinsaarada ku timi sigay Ugaaskiiye
12. Sixilluu kacaankani u galay Saca raggiisiiye

13. Warsangeli Suldaan iyo ma jiro Boqor la sooraaye
14. Saamee dhammaantii Isaaq salaw colaadeede
15. Soomaalidii waxa ka nool saaka madaxgaabe

16. Wax Siyaasaddii loo egmadey silic ku nooshiiye
17. Markii talada habar saarleh iyo sebiyo lo doortay
18. Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene

19. Dhulkan Suuradii lagu beddelay socodna dhaameelay
20. Waa wada socdaaleen raggii soocanka ahaaye
21. Saadada cadhootee midgaha laga sarraysiiyey

22. Waa sixirradii Bucurbacayr sananka muuqdaaye
23. Inta ay sidaa tahay nin gobi soomman ka ahaaye
24. Qaansaleydu haw sacbbiyeen Siigga qalataaye

25. Naagaha surwaalkali mashxarad ha u safnaadeene
26. Single iyo waxaan dhalad ahayn siidhi haw tumoe
27. Sabaalada ha moodeen in loo sahanshey meel roone

28. Saadaaladaa lagu gartaa sebenka caal waa'e
29. Waa waxa abaar nagu salliday soof ma reebta ahe
30. Saddexguuro waa waxa na baday sadhiyo daacuune

31. Samadii daruur laguma arag Seermaweydadae
32. So'dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
33. Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne

34. Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
35. Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
36. Sirqabahana taariikhdu way sahamindoontaaye

37. Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
38. Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
39. Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne

40. Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
41. Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
42. Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye

43. Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
44. Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane
45. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne
46. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com