WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Hargeysaay
Axmed Ismail Dirie "QAASIM" (HY), 1984

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii halgankii dadweynaha Somaliland ay kala soo horjeediin dad-la-moodkii Faqashta oo xoolihii iyo cashuurtii dadka Somaliland laga qaaday damcay inay ku cabudhiyaan dadweynaha. Qasim wuxu arkay dayacaadda ka muuqatay Beertii Xorriyadda (Hargeisa) waagaas wuxuuna yidhi isagoo la hadlaya Hargeisa:

  1. Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
2. Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene
3. Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye

4. Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
5. Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
6. Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye

7. Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe
8. Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene
9. Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye

10. Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye
11. Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
12. Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

13. Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
14. Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
15. Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe

16. Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye
17. Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
18. Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene

19. Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe
20. Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
21. Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde

22. Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene
23. Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
24. Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow'e

25. Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
26. Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
27. Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

28. Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
29. Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
30. Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com