WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Ina Cigaal

Axmed Ismail Dirie QAASIM (HY), 1969.

Gabaygan wuxu abwaanku u tirshey Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ahaa Prime Minister.
  1. Tabtaa ina CIgaalow waddaan tacab qasaaruun dheh
2. Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh
3. Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda
4. Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh
5. Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay
6. Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timi uun dheh
7. Toddobadan aad soo dooraten taran hadaad moodey
8. Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh

9. Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh
10. Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la'aaneed dheh
11. Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh
12. Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey
13. Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene
14. Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh
15. Mar hadday tolniimadii horiyo talawadaag diidey
16. Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com