WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Mahad Naq

Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY

Gabaygan wuxu abwaanku ugu mahad celinayaa Qaranka Ciisaha oo muujiyey siday uga xun yihiin Wax yeelaynta walaalahooda reer Woqooyi oo ay markaa ku bahaloobey Waraabayaashi waddanka haystey
  Na soo gaadhe Ciisow tixahaad soo gudbinayseene
Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye

Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne
Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede
Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane

Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene
Gurmashadu markay ku hab-samayd waa gilgilateene
Annana geesinnimo noo tartiyo garab-ku-taaglayne

Guubaabadiinnii culays nalaga guud qaadye
Guntii ururtay dhiillaa ku timi gebi ahaantoode
Garbahaarrey iyo Luuq kuwii looga gacan haadshey

Gardarrada caddaanka ah kuwii Gedo ku taageeray
Gudobiirsigii waxa ku dhacay guuldarriyo hooge
Gantaal noqoy dhawaaqii ka yimi geesta ciisaha'e

Guddoonkii Ugaaskiyo raggii gooyey waw mahade
Geeraarshihii tiriyey iyo geesiyadi raacay
Guurtida Dalool iyo Abdaal labada geesoodba

Iyagana abaal lama gadee waa gunno u taalle
Gaban hadduu ka hadho reer Isaaq waa guddoonsadaye
Guuxiinni maandhow wuxuu geystey lala yaabye

Gaaraayacuuntii Cabsi bay gebi-dhacleeyeene
Geestaaba may deyin inuu yaallo gacalkay'e
Inaad gaasas noo dihin tihiin garayay Daaroode

Baqay giilalyoodeen sabtii nagu gedaannayde
Gabbal baa Shirshoorii u dumay guruca dheeraaye
Beentay giraangirin jireen soo gabaabsidaye

Iyagaa gadh-jiide u ahaa gacan-ku-dhiiglaaye
Guutooyinkay soo waceen laga gol roonaaye
Gaashaanlayaashii tadhahay guduri loo loogye

Googaradda naagaha raggii goosan jirey eedye
Nimankii guryaha baadhan jirey gumuc la leefsiiye
Gafuur-culustu noomay quturan goobti dirireede

Sidii Gorayo lagu qayliyay gelelef-yaaceene
Abidkiiba guul lama shir tegin geeda-waaqluhuye
Ilma-Gabaxdu waa Saadaday kaga gadoodsheene
Gonda-jiidka daya waa nabsiga galabsigiisiiye
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com