WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Naxariis, 1969

Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY


Waxa abwaanku tixdan tirshey waagii Aadan Cadde dhacay ee Cabdirashiid iyo Ina Cigaal la doortay.
  Niyad baan u ledayaa hurdada naasir Naxaroow'e
Nabdigaan ka soo jeedi jirey noogayoo dhacaye
Nasashada darteed baad indhaha Nadarka yaabtaaye

Naxligii Caloosha iyo bogsade nabarradeediiye
Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye
Neecaw qaboow iyo dabayl naafaclaa timiye

Nabad iyo Naq roob baa beddelay Nayla-Jaliyiiye
Nacabkii Ilaah naga kaxee naaqiska ahaaye
Nasiib baannu leenahay haddaan Aadan soo noqonne

Niidii xareedbaa ka timid Naannida ahayde
Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye
Nataaqadi na gaadhiyo lugtii nalaga naafeeyey

Waxa Nacalla-qabihii na baday waa ka noollahaye
Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye
Nooleba mar uun buu samaha Nacam yidhaahdaaye

Noolaatay yidi-diiladii Naxashka saarrayde
Mar haddii ninkii geyey kursiga nabadgelyuu fuulay
Nimcadiyo sow mahad-naq uun lagu negaan maayo

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com