WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Cirsan-ka-yeedh, 1969

Axmed Ismail Dirie "Qaasim", HY


Waa gabay abwaanku ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii Waagaas jirey Isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono. Isbeddelkaasi waakii dhacay Hayeeshee ma noqon mid lagu caano maalo oo waatii Caada-qaatayaal caynaanka dalka boobeen.
  Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
...
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com