| |
Quule Indhoole, Alla ha u naxariistee, ayaa la yaabay
buraanbur uu tiriyey nin Ina Cumar Dage la odhan jirey
oo awood iyo gabanimo Eebbe ku qadiyey is yidhi sheego. Quulle
wuxu yaabkii ka keenay tix ay naga soo gaadhay:
Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu, waana
laba geede
Goolkeeda weynaaday ee, geeda-balaxoobay
Iyo Niriga gooraan jaqaa, geela laba awre?
Garranuugta iyo Cawsha iyo, goodirada hawdka
Iyo geesa weynow Biciid, guudka ugaadhe
Anoo gaban ah baan joogi jirey, goballadiisiiye
Adba Dalalka waad soo gashaaye, gaagyar baad tahaye
Giddigoodba reer Muxumed Dalal, gogol ma buuxshaane
Nimankaa gamuunyeyn lahaa, iima soo geline
Gobta Khalaf guryaha Xaji Cali, go’bada Reer Yuusuf
Ina Xayle gaaskuu watiyo, gaanka Bah-xawaadle
Waxaad garan lahayd Reer Xirsoo, godobu noo taale
Gawsa-xiin waxaad kula baxdeen, helay gedeediiye
Shanta geed-midhood iyo surtaan, guran taqaaniine
Maxaan Ina-Dagow kuu gabyaa, geel jir baad tahay |