Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu, waana laba geede
Nimankaa gamuunyeyn lahaa, iima soo geline
Maxaan Ina-Dagow kuu gabyaa, geel jir baad tahay

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
QUUL INDHOOLE, " HY"
 

Quule Indhoole, Alla ha u naxariistee, ayaa la yaabay buraanbur uu tiriyey nin Ina Cumar Dage la odhan jirey
oo awood iyo gabanimo Eebbe ku qadiyey is yidhi sheego. Quulle wuxu yaabkii ka keenay tix ay naga soo gaadhay:

Gu’ ka siman galoolkiyo cayadu, waana laba geede
Goolkeeda weynaaday ee, gaadda-balaxoobay
Iyo Niriga gooraan jaqaa, geel ka laba awre
Garranuugta iyo Cawsha iyo, goodirada hawdka
Iyo geesa weynow Biciid, guudka ka ugaadhe

Anoo gaban ah baan joogi jirey, goballadiisiiye
Adba Dalalka waad soo gashaaye, gaagyar baad tahaye
Giddigoodba reer Muxumed Dalal, gogol ma buuxshaane

Nimankaan gamuunyeyn lahaa, iima soo geline
Gobta Khalaf, guryaha Xaaji Cali, go’bo'da Reer Yuusuf
Ina Xayle gaaskuu watiyo, gaanka Bah-xawaadle
Waxaad garan lahayd Reer Xirsoo, godobu noo taale

Gaws-iyo-xiin waxaad kula baxdeen, helay geddeediiye
Shanta geed-midhood iyo surtaan, guran taqaaniine
Maxaan Ina-Dagow kuu gabyaa, geel jir baad tahay

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com