Raacdeeye

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
  Raacdeeye (HJ)
Muuse Ismaaciil ayaa geel ka dhacay Reer Yoonis(HJ). Reer Yoonis baa ergo soo diray ah in geela loo celiyo markaasaa nin Muuse Ismaaciila oo aan magaciisu na soo gaadhini  gabay ku yidhi;

Hashaan Cadayga Oog iyo ka helay cadawga reer Yoonis
Haddaan celiyo Eebboow adduun caynna ha i siinnin


Reer Yoonis ayaa markaa duullaan qaadaya oo geel ka soo dhacaya Muuse Ismaaciil. Gabyaagii geesiga ahaa ee Dhunkaal oo  Muuse Ismaaciil ah ayaa Reer Yooniskii geel ka dhacay iyo Barre Adarxmaan oo walaalahood ah u imanaya isagoo leh waataynu heshiinnaye maxaa u wacad furteen waxana gabaygiissii ka mid ahaa

.
Waataa Barriyo Yoonisoow boholo jeexdeene
Waa Beerdhigoo kale sidaa nooga bogateene
Waa baatirtaydii hashaad badaw lisaysaaye
Ergo balasle waayeelku waa bixitinsiiyaaye
Maxaynoo ballana maanta waa kala boqoolkiiye


Maxamuud Raacdeeye ayaa isagoo gabaygii hore daba jooga gabyay oo yidhi;


Hashaan caaradhuubtiyo ku helay cudadda reer Yoonis
Calgalkii Bah Gumaroon hashaan carar ku dhaafsiiyey
Haddaan celiyo Eebboow adduun cayna ha siinnin

 

Note: Taariikhyahannada qaarbaa taariikhda u weriya in geela marka hore laga dhacay Muuse Ismaaciil.

 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com